Manchester City oo Raadineysa Saxeexa Weeraryahanka Reer France ee Kylain Mbappe

0
188

Jowhar(Radio-Isnaay)-Manchester City ayaan marnaba indhaheeda u leexin doonin dhinaca weeraryahanka reer France ee Kylain Mbappe oo sannad kali ahi ka hadhsan yahay dhamaadka qandaraaskiisa PSG, sababtuna waxay tahay waxay geli doonaan qalalaase haddii ay isku dayaan inay u dhaqaaqaan saxeexa laacibkan.

Xiddigan da’da yar ayay koox waliba dib uga istaagi doontaa inay heshiis la saxeexato xattaa haddii uu si bilaash ah kaga tegayo PSG, sababtuna waxay tahay mushaharka waallida ah ee uu doonayo in la siiyo.

Sida uu qoray wargeyska The Athletic, weeraryahanka reer France ayaan ku jirin liiska xiddigaha ay Manchester City u doonayso inay ku beddesho weeraryahankeeda Sergio Aguero, sababtuna waxay tahay in ay jabin doonto jaangoynta mushaharooyinka ee u cayiman.

Kylian Mbappe ayaa uu wargeysku sheegay in uu dalbanayo £600,000 Gini oo mushahar ah toddobaadkii, xilli dunida ay ka jirto dhaqaale xumo uu sababay Korona Fayras.

Advertisements

22 jirkan oo xilli ciyaareedkan dhaliyey 25 gool oo dhamaan tartamada ah, ayaanay kooxaha lacagta haystaa ugu dhiirranayn maadaama haddii ay ogolaadaan inay bixiyaan £600,000 Gini oo mushahar ah ay ciyaartoydooda kalena dalban doonaan in mushaharka loo kordhiyo.

Laacibkan hore ee Monaco ayaa ay PSG ku qasbanaan doontaa inay iibiso xagaaga soo socda haddii inta ka horreysa aanu heshiis cusub saxeexin, waxaanay qasabka keenaya inay ka ordayso inuu si xor ah uga tago sannad kaddib.

Kooxda reer France ayaa la rumaysan yahay inay dalban doonto £174 milyan oo Gini oo ay tahay in kooxaha doonaya Kylian Mbappe ay bixiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here