Madaxweynaha cusub ee Joan Laporta oo Ka Farxiyey Jamaahiirta Barcelona.

0
243

Jowhar (Radio-Isnaay)-Jamaahiirta Barcelona ayaa xalayba war ay ku farxaan ka helay Madaxweynaha cusub ee ay doorteen ee Joan Laporta, kaas oo hore ugu ballanqaaday in Lionel Messi uu kusii hayn doono  kooxda haddii isaga la doorto.

Laporta ayaa ku guuleystay doorashadii Madaxweynaha Barcelona iyadoo uu helay in ka badan kala-badh codadkii doorashada, ayaa waxa uu kusoo laabanayaa kursiga Madaxweynaha kooxda oo uu ka maqnaa muddo 11 sannadood ah.

Isla markii xalay uu xaqiiqsaday inuu ku guuleystay doorashada, waxa uu Laporta ka farxiyey taageereyaasha kooxda oo uu xasuusiyey in uu dib ugu dhisi doono kooxda si la mid ah sannadkii 2003 illaa 2010 ee uu xilkan hayay, waxaana arrinta ugu horreysa ee uu shaaciyey ay tahay in Lionel Messi uu jecel yahay kooxda.

“Maanta 20 sannadood ayaa laga joogaa markii Lionel Messi oo canug yar ah uu u saftay kooxda da’yarta 12 jirrada iyo 13 jirrada. In aynu aragno ciyaartoyga ugu wanaagsan dunida oo codaynaya isaga oo wiilkiisu la socdo waa tusaalaha wixii aan hore idiinku sheegay.” Ayuu yidhi Joan Laporta oo hore u ballanqaaday in Lionel Messi uu sii joogo doono haddii isaga la doorto.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu Joan Laporta yidhi: “Leo wuxuu jecel yahay Barcelona, falcelintuna waa taas. Ciyaartoyga ugu wanaagsan dunida ayaa jecel Barcelona, waxaanan rajaynayaa in ay taasi ka caawin doonto inuu sii joogo, sidaas ayaanu doonaynaa.”

Ka sokow hadalkan, Laporta ayaa shalay sii sheegay in isla xalay uu la xidhiidhayo aabbaha dhalay Messi oo sidoo kalena ah wakiilkiisa, si ay uga wada xaajoodaan heshiis cusub oo uu saxeexo Leo.

Xiddiga reer Argentina oo saddex bilood oo kali ahi ka hadhsan yihiin dhamaadka qandaraaskiisa Barcelona, ayaa waxa uu xagaagii hore isku dayay inuu iskaga tago naadiga, laakiin khilaaf xun oo dhashay kaddib ayuu go’aansaday inuu dhamaystiro heshiiskiisa oo ku eg bisha June ee sannadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here