Ancelotti Oo Kusoo Laabanaya Stamford Bridge & Xaqiiqooyinka Kulanka.

0
175

Jowhar(Radio-isnaay)- Chelsea ayaa garoonkeeda Stamford Bridge waxay kusoo dhoweynsaa Everton iyadoo raadinaysa inay sii wadato rikoodhka guul-darro la’aanta ee tan iyo intii uu Thomas Tuchel xilka qabtay iyo inay sii xajisato booska kaalinta afraad.

Laakiin Everton oo hal dhibic ka dambaysa, hal ciyaar ahina baaqi u tahay ayaa u dagaallami doonta inay kaalinta afraad kusoo fadhiisato, iyadoo Blues ku garaacaysa garoonkeeda.

Tababare Thomas Tuchel oo tobankii ciyaarood ee hore ee uu layliyey Chelsea aan hal marna laga badinin, ayaa kulankii Liverpool barbarreeyey rikoodhkii guul-darro la’aanta ee uu kooxdaas hore ugu dhigay Jose Mourinho, laakiin waxa u hadhsan oo laba ciyaarood ka horreeya Luis Felipe Scolari oo 12kiisii kulan ee ugu horreeyey aan laga badinin.

Dagaalka booska afraad ayaa ah xurgufta ugu weyn ee Thomas Tuchel iyo Carlo Ancelotti ee caawa, waxaana Everton oo uu hormood u yahay khabiirka Talyaanigu ay wax walba u samayn doontaa sidii ay u heli saddexda dhibcood, si ay kaalinta afraad u galaan, isla marka ay ciyaaraan kulankooda baaqiga ahna ay ugu sii dhowaan lahaayeen kaalinta saddexaad ee ay Leicester City ku jirto.

Manchester City oo kaliya ayaa Everton ka guulo badan xili ciyaareedkan dhamaan naadiyada Premier League, waxaana halka City ay 20 kulan ka guuleysatay ay Everton libinta heshay 14 mar, halka inta kalena barbarro iyo in la garaacay ay iskugu jiraan. Haddii ay caawa guuleysato, waxay niyad-wanaagsan ku tegi doontaa saddex kulan oo aan sidaa u adkayn oo iskugu xigaya oo ay ku waajahayso kooxaha Burnley, Crystal Palace iyo Brighton & Hove Albion.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here