Barca, PSG, Chelsea, Real, Man United, Liverpool, Man City Iyo Kooxaha Waaweyn Ee Yurub Oo Laga Farxiyey.

0
189

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxaha waaweyn ee Yurub ayaa uu war farxadleh kasoo gaadhay qaaradda Latin America, waxaana laga saaray walwalkii haystay ee ahaa sida ay ka yeelayaan ciyaartoydooda u baxaya dalalkooda ee ka qayb-gelaya isreeb-reebka Koobka Adduunka 2022 ee toddobaadka dambe loo dhaqaaqayo.

Xidhiidhka kubadda cagta qaaradda Koonfurta America ee CONMEBOL ayaa shaaciyey in uu dib u dhigay ciyaaraha isreeb-reebka Koobka Adduunka ee la ciyaari lahaa bishan March ee aynu ku jirto.

Go’aankan kasoo baxay Latin America ayaa si weyn uga farxiyey tababareyaasha kooxaha waaweyn ee Yurub ee ka walaacsanaa in haddii ciyaartoydoodu ay tagaan dalalkooda ay muddo 10 maalmood oo karantiil ah galaan marka ay kusoo laabtaan UK.

Jurgen Klopp, Ole Gunnar Solskjaer, Thomas Tuchel iyo Pep Guardiola ayaa qarsan kari waayey walaacooda la xidhiidha ciyaartoydooda laf-dhabarta u ah xulalka Brazil, Argentina, Uruguay iyo dalalka kale ee ay adkayd in lagu qanciyo in ay iska joogaan iyadoo dalalkoodu ciyaarayaan isreeb-reebka Koobka Adduunka 2022, taasina ay sababi kari lahayd in waddamada qaarkood ay u wiiqmaan xiddigahan.

Liverpool ayaa ahayd kooxdii ugu horreysay ee ka qaylisay inay fasaxdo ciyaartoydeeda Alisson Becker, Roberto Firmino iyo Fabinho oo Brazil tegi lahaa, kuwaas oo ku biiri lahaa Gabriel Jesus, Ederson, Allan, Richarlison iyo kuwo kale.

Sidaas oo kale, City ayaa xulka Brazil ay kaga jiraan ciyaartooyo badan, waxaana sidoo kale qayb ka ah xiddigo loogu yeedhi lahaa Argentina sida Aguero, halka Manchester United ay waayi lahayd laacibiin ay hormood u yihiin Fred oo Brazil ah iyo Edinson Cavani oo Uruguay afka hore uga ciyaara.

Si kastaba, go’aanka CONMEBOL ayaa waxa uu ka dhigan yahay inay baaqdeen kulamadii adkaa ee isreeb-reebka Koobka adduunka ee Brazil v. Argentina, Argentina v. Uruguay iyo Colombia v. Brazil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here