Osasuna Vs Barcelona: Blaugrana Oo Isha Ku Haysa In Ay Ku Dhawaato Hogaamiyayaasha Horyaalka.

0
202

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Barcelona ayaa marti u noqon doonta kooxda Osasuna kulan ka tirsan todobaadkii 26-aad ee horyaalka La Liga kana dhici doona garoonka El Sadar.

Barcelona ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo qaab ciyaareed fiican ku jira kulamadii ugu dambeeyay waliba kaalinta 2-aad kaga jira horyaalka.

Barcelona ayaa kulanka u soo galaysa sidii ay u gaadhi lahayd guul muhiim ah maadama ay Atletico Madrid iyo Real Madrid isla ciyaari doonaan Axada oo ay is qaban doonaan.

Dhanka kale Osasuna ayaa ku jirta kaalinta 13-aad waxana ay ku jirtaa qaab ciyaareed cajiib ah iyaga oo badiyay 3 ka mid ah 5-tii kulan ee ugu dambeeyay.

Kulanka: Osasuna Vs Barcelona

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 11:00

Garoonka: El Sadar.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxda Barcelona ayaa kaliya hal guuldaro kala kulantay 10-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay booqatay Osasuna guuldradaasna waxa ay dhacday sanadkii 2012.

Osasuan aya aheshay 2 dhibcood 2 ka mid ah 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Barcelona kaga hor tagtay La Liga waana in ka badan 11-kii kulan ee hore ee ay la ciyaareen.

Barcelona ayaan wax guuldaro ah la kulmin 15-kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka La Liga waana rikoodhka 2-aad ee ugu fiican yurub haatan 5-ta horyaal ee ugu waaweyn iyaga oo dambeeya kaliya Man City.

Osasuna ayaa badisay 4 ka mid ah 6-dii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka La Liga waana in ka badan intii ay badiyeen 19-kii kulan ee hore xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here