Burnley Vs Arsenal : Kooxda Turf Moor Oo Dooneysa In Ay Rikoor Dhigto.

0
264

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Macalin Arteta ayaa xaqiijiyay in  jugtii dhaawac ee  Smith Rowe ku gaartay kulankii Leicester City aheyn mid halis ah  balse lama hubo in kulankaan uu safan doono

Marka dhankaas laga yimaado , Arsenal shaxdeeda waa isku toosan tahay mana jiran dhaawacyo kale ay ka sheeganayaan

Kulanka: Burnley Vs Arsenal

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 3:30

Garoonka: Turf Moor

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Burbnley ayaa hamineysa in guushii labaad xilli ciyaaredkaan ka gaaraan Arsenal markii ugu horeeysay taariikhda tan iyo  xilli ciyaareedkii 1962/1963-aad.

Arsenal  loogama badin garoonka Turf Moora ka dib 8 kulan oo hore oo ay ku ciyaareen , waxaan ugu dambeeysay sanadkii 1973-dii

Burnley ayaa kaliya badisay hal kulan 8 kulan oo hore oo horyaalka ah , 4 bar bar dhac iyo sedex guul dar ayay wataan.

Arsenal ayaa guul dareystay 11 kukan oo horyaalka ah xilli ciyaareedkaan

Arsenal ayaa badisay afar kulan oo hore oo qeyb ka ah 6kulan. oo banaanka garoonkooda ah iyadoo horyaalka la joogo

Pierre-Emerick Aubameyang waxa uu Burnley ka dhaliyay 7 gool oo horyaalka ah mana jirto koox kale uu sidaas ku sameeyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here