Rikoodhkii Ugu Xumaa Ee Liverpool Iyo Xaqiiqooyinkii Laga Diiwaangeliyay Kulankii Xalay.

0
209

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Liverpool ayaa laga badiyay shan kulan oo isku xigta horyaalka oo ay ku ciyaareen gurigooda markii ugu horeysay abid taariikhdooda iyagoo jira 129 sannadood. Liverpool ayaa ah kooxdii ugu horeysay ee horyaalka difaacaneysa ee laga badiyo shan kulan oo isku xigta oo marti loo ahaa.

Shantii kulan ee ugu danbeysay ee ay Liverpool ku ciyaarto garoonkeeda Anfield horyaalka Premier League:

Liverpool 0-1 Chelsea

Liverpool 0-2 Everton

Advertisements

Liverpool 1-4 Man City

Liverpool 0-1 Brighton

Liverpool 0-1 Burnley

Chelsea ayaa laga dhaliyay kaliya labo gool 10kii kulan ee ugu danbeysay tartamada oo dhan ee ay ka hoos ciyaarayeen tababare Thomas Tuchel, si la midah ka dib 10 kulan oo ay ka hoos ciyaareen Jose Mourinho, iyadoo labada tababare ay kulankoodii 10aad 1-0 kaga badiyeen Liverpool.

Liverpool ayaa haatan Anfield looga dhaliyay 17 gool oo Premier League ah xilli ciyaareedkan, waana in ka badan hal gool intii looga dhaliyay xilli ciyaareedkii hore oo dhan.

Edouard Mendy ayaa shabaqa ilaashaday 12 ka mid ah 22 kulan uu ku soo bilowday, isaga ayaa ugu fiican goolhayayaashii saftay ugu yaraan 10 kulan xilli ciyaareedkan.

Liverpool ayaa kaliya 10 dhibcood ka heshay 11 kulan oo ay ciyaareen horyaalka Premier League sannadkan 2021, kaliya West Brom (9), Newcastle (7) iyo Southampton (4) ayaa dhibco ka yar helay sida uu u dhashay sannadkan.

Thomas Tuchel ayaa Chelsea ka soo qaaday kaalinta 10aad isagoo keenay kaalinta afaraad, iyadoo aan laga badinin 10 kulan. Wuxuu wajahay Liverpool, Manchester United, Atletico Madrid iyo Tottenham.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here