Booliska Mareykanka oo Soo Bad baadiyay Ku Dhawaad 200 Carruur ah.

0
207

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Booliska gobolka Tennessee ayaa baadhitaan bilo socday ka dib soo helay 150 caruur ah oo la la’aa.

Caruurtan oo da’doodu u dhaxayso 3 ilaa 17 jir ayaa lagu soo helay saddex “hawl gal oo laba todobaad” ka socday gobolkaas oo dhan.

Shan ka mid ah caruurtaas ayaa la tuhunsanyahay inla tahriibinayey sida ay sheegeen dembi baadheyaashu, midna waxa loo haystay af-duub.

Hawl galkan caruurta lagu soo furtay ayaa ahaa kii ugu ballaadhnaa ee dhawaanahan gobolkaas laga fuliyo.

Saraakiishu waxay sheegeen in dad badan arintaa loo xidhxidhay baadhitaankaa ka dib.

“Waxaan qabaa in hawlgalkan lagu badbaadiyey nolosha 150 caruura naftooda oo haatan ay cagta saarayaan dhabbe ay ku gaadhayaan mustaqbalka ilmo kastaa u qalmo” ayuu yidhi salkaan ka tirsan booliska gobolkaas oo la yidhaa Tyreece Miller.

Hawl galkan waxa la bilaabay dabayaaqadii 2020 ka dib markii la ogaaday in 240 caruur ah la la’yahay, waxaanay ahayd arintaasi tii keentay in hawl gal wada jira ay bilaabaan laamaha amaanka ee gobolka Tennessee iyo waaxda daryeelka dhallaanku.

Dedaalkan lagu soo daynayo caruurtani wuxuu bilaabmay bishii Jeeniweri waxaan muddo laba bilood gudahood ah lagu soo helay 150 caruur ah.

Siyaabaha loo soo helay caruurtan ayaa kala duwan sida ay saraakiishu sheegeen. Waxaana ka mid ahaa in caruurta qaarkood laga helay guryo lagaga tagey, iyo kuwo kale oo qoysas aan kuwoodii ahayn la noolaa, halka kuwo kalena dhibaato iyo cabiidsi lagu hayey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here