Barcelona Oo Guul Soo Laabasho Cajiib Ah Ugu Soo Baxday Semi-finalka Iyo Sevilla Oo Labo Casaan Qaadatay.

0
264

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Barcelona ayaa iska xaadirisay finalka Copa del Rey ka dib markii ay guul soo laabasho cajiib ah ka gaartay kooxda Sevilla oo marti ku aheyd Camp Nou, iyadoo Barca ay wadar ahaan kaga badisay kooxda reer Andalus 3-2

Sevilla ayaa hal lug kula jirtay finalka madaama ay 2-0 ku soo badiyeen lugtii hore, laakiin Barca ayaa hogaanka u qabatay ciyaartii caawa daqiiqadii 13aad ka dib gool uu u dhaliyay Ousmane Dembele ka hor inta uusan Ter Stegen qeybtii labaad rigoore ka badbaadinin Lucas Ocampos.

Iyadoo ay u muuqato inay ciyaarta ku dhamaaneyso wadar ahaan 2-1 oo ay Sevilla ku soo baxeyso ayaa ilbiqisigii ugu danbeeyay waxaa goolka barbaraha Barcelona u dhaliyay Gerard Pique iyadoo Sevilla casaan uu ka qaatay Fernando. Madaama ay 90ka daqiiqo Barca ku badisay 2-0 waxaa qasab noqotay in 30 daqiiqo dheeri ah la isla aado.

Bilowgii waqtiga dheeriga ahaa Braithwaite ayaa madax ku dhaliyay goolka guusha ee seddexaad, halka De Jong oo la bedelay uu casaan labaad ka qaatay Sevilla iyadoo Barca ay ku badisay 3-0 kulankii caawa iyo wadar ahaan oo ay 3-2 kaga takhaluseen Sevilla iyagoo u soo baxay finalka Copa del Rey.

Ciyaar qurux badan ayay labada kooxood soo bandhigeen qeybtii hore ee ciyaarta iyadoo kooxda martida loo ahaa ay gacanta sarre laheyd. Barcelona ayay ku qaadatay kaliya 12 daqiiqo inay hogaanka u qabato ciyaarta markii uu Ousmane Dembele kubad gantaal ah ka dhex bixiyay shabaqa.

Waa markii ugu horeysay xilli ciyaareedkan ee weeraryahanka Faransiiska uu labo kulan oo isku xigta shabaqa soo taabto. Barcelona ayaa bartamihii qeybta labaad ku dhawaatay inay shabaqa soo taabato gaar ahaan Messi laakiin kubada oo gudbi laheyd xariiqda goosha waxaa soo bixiyay Ocuna.

Waxaa qeybtii hore lagu kala nastay 1-0 oo ay Barcelona ciyaarta ku hogaamineysay.

Daqiiqadii 63aad Barcelona ayaa ku dhawaatay inay hesho goolka labaad markii Jordi Alba uu kubad macaan birta ku garaacay, laakiin Sevilla ayay aheyd kooxdii heshay fursad dahabi ah markii rigoore loo dhigay daqiiqadii 73aad.

Daafaca Barcelona Mingueza ayaa qalad ku galay Ocampos xerada ganaaxa dhexdeeda, garsooraha ayaa tilmaamay gool ku laad. Waxaa u soo istaagay isla Lucas Ocampos laakiin waxaa rigooradiisa badbaadiyay goolhaye Ter Stegen oo Barcelona ciyaarta ku sii hayay.

Dhamaadkii ciyaarta kubad aheyd oo halis aheyd ayaa Pedri laga badbaadiyay, laakiin afar daqiiqo oo ciyaarta lagu daray ayay wax badan isbedeleen.

Daqiiqadii labaad ee waqtiga dheeriga ahaa waxaa Sevilla jaale labaad ka qaatay Fernando oo ciyaarta la saaray, ka dib Griezmann ayaa kubad uu soo dhigay waxaa madax ku dhaliyay Gerard Pique oo barbareeyay ciyaarta.

Madaama Sevilla ay 2-0 ku soo badisay kulankii lugta hore, haatana ay 90ka daqiiqo Barcelona 2-0 ku badisay, waxaa qasab noqotay in 30 daqiiqo dheeri ah lagu kala saaro ciyaarta iyadoo Sevilla ay 10 ciyaaryahan tahay.

Shan daqiiqo markii ay socotay 30kii daqiiqo ee ciyaarta lagu daray Barcelona ayaa dhalisay goolka seddexaad ee ay hogaanka ku qabatay iyadoo Braithwaite uu madax ku dhaliyay karoos uu soo dhigay Jordi Alba.

Sevilla ayaa waxaa casaan labaad ka qaatay Luuk de Jong oo kursiga keydka fadhiyay markii uu ku jees-jeesay garsooraha. Waxayna ciyaarta ku soo dhamaatay 3-0 oo ay Barcelona ku badisay iyagoo wadar ahaan ku soo baxay 3-2.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here