Qaar kamid ah Gabdhahii Lagu  Af duubtay Nigeria oo la Sii Daayay. 

0
201

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wararka ka imanaya dalka Nayjeeriya ayaa sheegaya in 279 gabdhood oo ka mid ahaa gabdhihii dhawaan laga afduubtay iskuul ay wax ka baranyeen oo ku yaalla gobolka Zamfara ay dib u heleen xorriyaddooda.

Maamulka gobolka ayaa sheegay in gabdhaha la sii daayay sidoo kalena ay bedqabaan.

Falalka afduubka ah ayaa noqday kuwo mar walba ku soo noqnoqda deegaannada dhaca waqooyiga dalka Nayjeeriya.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaa sheegay in gabdhahan lagu sii daayay wadaxaajood dhex maray afduubayaasha iyo xukuumadda.

Baraha bulshada ayaa lagu baahiyay muuqaallada gabdhaha la soo daayay oo saaran basas waaweyn kuwaas oo ku sugnaa xarun ka mid ah xarumaha dowladda.

Dowladda Nayjeeriya ayaa sheegtay in ay ku guuleysatay in gacanta afduubayaasha ay ka soo deyso 279 gabdhood iyada oo intaa ku dartay in xogtii ay horay u shaaciyeen booliska ee sheegaysay in tirada gabdhaha la afduubtay ay tahay 317 aysan ahayn xog bisil.

2014-kii ayay ahayd markii kooxda Kobo Haram ay 276 gabdhood ka afduubteen dugsiga Chibok ee waqooyi bari Nayjeeriya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here