Trump oo sheegay in Biden oo ku fashilmay hogaaminta Maraykanka.

0
306

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Donald Trump oo jeediyay khudbaddii u horreysay tan iyo markii uu ka baxay Aqalka Cad ayaa sheegay in uusan sameyn doonin xisbi cusub oo siyaasadeed, isagoo u sheegay shir ay Florida ku leeyihiin conservative-ka in tallaabadaas ay kala dhantaali doonto codadka xisbiga Jamhuuriga.

Khudbadda oo ahayd tii u horreysay ee uu Trump jeediyo tan iyo markii uu xukunka la wareegay Madaxweyne Joe Biden, ayaa waxa uu dadka dareensiiyay in madaxtinnimada uu markale u tartami karo doorashada 2024.

Trump ayaa si weyn u dhaliilay ninka xilka kala wareegay, isagoo sheegay in uusan mudnaanta siin siyaasadaha danta u ah Maraykanka.

“Joe Biden waxaa soo martay bishii ugu fashilka badneyd ee uu wajaho madaxweyne ka taliya Maraykanka taariikhda casriga ah. Durbadiiba maamulkiisa waxa uu muujiyay inuu ka horjeedo shaqooyinka, qoysaska, xuduudda, tamarta, dumarka iyo weliba sayniska,” ayuu yiri Trump.

Khudbaddiisa ayaa ku soo beegantay todobaadyo kadib markii lagu waayay dacwad ahayd inuu kiciyay dadkii weerarray xarunta baarlamaanka Maraykanka.

Khudbadda uu ka jeediyay kulanka Orlando ayaa muujinaysa in weli uu galaangal weyn ku dhex leeyahay xisbiga Jamhuuriga.

Shirka ayaa waxaa dowr muhiim ah ku lahaa taageerayaasha Trump oo ay ugu cadcad yihiin senator-ka gobolka Texas, Ted Cruz iyo wiilka uu dhalay madaxweynaha hoe ee Donald Trump Jr.

Trump waxaa weli saaran xayiraad ay ku soo rogeen baraha bulshada ee Twitter iyo Facebook, kuwaas oo dhaliilay qaabkii uu uga falceliyay weerarkii hubaysnaa ee January ka dhacay xarunta Capitol.

Tan iyo markii uu xilka ka degay waxa uu ku noolaa hoygiisa Mar-a-Lago ee gobolka Florida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here