Tunisia oo Qabatay Tahriibayaal u Tallaabi rabay Talyaaniga.

0
226

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Tunisia oo sameysay howl gal looga hortegayo falalka tahriibinta ayaa soo qabatay 87 qof, kuwaas oo qorsheynayay inay u safraan  dalka Talyaaniga.

Wasaaradda ayaa sheegtay in ciidmaada ilaalada xeebaha ee dalkaas ku guuleysteen inay ka hor tagaan falal sharci darra ah, kuwaas oo qorsheysnaa inay tahriibiyaan dad badan.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in 45 qof oo ka mid ah dadka lasoo qabtay ay heystaan  dhalashooyin kala duwan ee dalalka Afrikaanka ah, halka 8 qof aya yihiin muwaadiniin Tuunis u dhashay.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in dadka lasoo qabtay ay jiraan dad aan wali la ogaanin halka ay ka soo jeedaan, waxaana ku socda baaritaan dheeraad ah.

Ciimdada Ilaalada badda ee dalka Tunisia ayaa sidoo kale qabtay doonyo dadka lagu tahriibiyo iyo lacago badan.

Dadka tahriibayaasha ah ee soo gaaray Tuunis 2020, waxaa lagu qiyaasaay dad kor u dhaafaya 8 kun oo qof, kuwaasi oo doonaya inay dalkaasi uga sii gudbaan dalalka Yurub

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here