Shaxda Adag Ee Ay Man United Kala Hortagi Doonto Chelsea Kulanka Axada.

0
217

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Manchester United ayaa u safreysa Chelsea galabnimada Axada iyagoo rajeynaya inay talaabo kale u qaadaan inay xaqiijistaan u soo bixitaanka Champions League ee xilli ciyaareedka danbe.

Red Devils ayaa isbuuca ku bilaabaneysa iyagoo ku jira kaalinta labaad kana horeeya Leicester oo la ciyaareysa Arsenal, waxayna lix dhibcood ka sareeyaan Chelsea.

Si kastaba, United waxaa ka maqan Paul Pogba mar kale safarkooda Galbeedka London.

Pogba ayaa la filayaa inuu dhowr isbuuc kale maqnaado isagoo dhaawac ka qaba muruqa bowdada.

Edinson Cavani, Donny van de Beek, Scott McTominay iyo Daniel James ayaa sidoo kale shaki ku jiraa kulanka Axada iyagoo isku dayaya inay ka soo kabsadaan dhaawacyadooda.

Waxay taasi la micno tahay in Fred iyo Nemanja Matic ay ku soo bilaaban doonaan khadka dhexe sida ay sameeyeen labadii kulan ee ugu danbeysay.

Si kastaba, haddii Van de Beek ama McTominay ay diyaar yihiin, waxaa macquul ah in midkood uu shaxda ka bedelao 32 jirka Matic.

James ayaa dhaawac ku baxay kulankii Sociedad waxaana suurtogal ah inuusan diyaar u aheyn kulanka kooxda duuleysa ee tababare Thomas Tuchel.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here