Meydka Ugaas Xasan oo lagu aasay duleedka magaalada Buulo-burde

0
199

JOWHAR (Radio Isnaay) Meydka Ugaas Xasan oo lagu aasay qabuuraha Dahaara Ugaas ee ku yaalla duleedka degmada Buuloburte ee Gobolka Hiiraan.

Salaadda Janaasida ayaa lagula tukaday Meydka Marxuum Ugaas xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble garoonka kubadda cagta Laqanyo Stadium ee kuyaalla magaalada Beledweyne.

Wasiirka Arrimaha Gudaha xukumadda Soomaaliya Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax xildhibaanno katirsan baarlamaanka fedaraal soomaaliya, guddoomiyaha gobolka Hiiraan cali Jeyte Cismaan,xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan maamulka Hirshabelle, siyaasiyiin, Imaamyo, ugaasyo, wabaro, salaadiin, iyo boqolaal shacab ayaa ka qeybagalay salaadda janaasada meydka Ugaas Xasan.

Ugu dambeyn meydka ugaaska ayaa loo galbiyay qabuuraha Dahaara Ugaas ee kuyaalla duleedka deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan oo aay ku aasanyihiin 19-ugaas ee isaga ka horeeysay waxaana lagu aasay meydka Ugaaska qabuuraha dahara Ugaas.

Allaha u naxariistee Ugaas Xasan Ugaas khaliif ugaas rooble ayaa saldanada ugaasnimo ee besha Xawaadle loo caleem saraay 25-july ee sanadkii 2016 waxuuna ahaa ugaaskii 20-aad ee Beesha.

Ugaas Xasan ayaa ku dhashay degmada buulo burdo sanadkii 1946 waxuu kamid ahaa ugaasyada fara ku tiriska ah, ee aqoonta leh lana soo shaqeeyay dowladda gaar ahaan wasaaradda maaliyadda soomaaliya, waxuuna sanado kala duwan soo maamulay dhowr dekad sida Muqdisho, Kismaayo,Barbara iyo Boosaaso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here