Liiska Dhameystiran Ee Kooxaha U Soo Gudbay Wareega 16ka Europa League.

0
177

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxaha Manchester United iyo Arsenal ayaa ka mid ah kooxaha caawa xaqiijistay inay u soo gudbeen wareega 16ka Europa League ka dib markii ay ka soo kala talaabsadeen kooxaha Benfica iyo Real Sociedad.

Gunners ayaa caawa 3-2 kaga soo badisay Benfica halka Man United ay barbaro goolal la’aan ah caawa Old Trafford kula gashay kooxda reer Spain ee Real Sociedad balse waxay ku soo baxday guushii 4-0 ee ay gaareen lugtii hore.

Waxaa wareega 16ka kula wehliya kooxda kale ee Premier League Tottenham oo xalay soo gudubtay iyagoo si xun u soo garaacay kooxda reer Austria ee Wolfsberger, laakiin Leicester City ayaa la reebay ka dib markii ay caawa guuldarro 2-0 ka soo gaartay Slavia Prague iyadoo lugtii hore ay barbaro goolal la’aan ah ku soo dhamaatay.

Kooxda Steven Gerrard ee Rangers ee dalka Scotland ayaa iyadana u soo gudubtay wareega 16ka markii ay wadar ahaan labada lug ee wareega 32da ay 5-2 kaga badiyeen kooxda reer Belgium ee Royal Antwerp.

AC Milan ayaa goolasha martida ku soo baxday markii ay wadar ahaan labada lug ay barbaro 3-3 ah la galeen kooxda FK Crvena Zvezda, AS Roma ayaa iyadana soo baxday oo wadar ahaan labada lug 3-1 kaga badisay Braga laakiin Napoli ayaa hartay kuwaasoo wadar ahaan labada lug guuldarro 2-1 kala kulmay kooxda reer Spain ee Granada.

16ka Kooxood Ee Soo Baxay:

Ajax
Arsenal
Granada
Molde
Rangers
Shakhtar Donetsk
Tottenham
Villarreal
Dynamo Kyiv

Manchester United
AC Milan
Slavia Praha
Roma
Dinamo Zagreb
Young Boys
Olympiacos

Isku Aadka Wareega 16ka

Isku aadka wareega 16ka waxaa la qabanaya berri oo Jimce ah 26ka bisha Febraayo, waxaana lagu qaban doonaa xarunta UEFA ee magaalada Nyon ee dalka Switzerland.

Lugta hore ee wareega 16ka Europa league waxaa la dheeli doonaa 11ka bisha Maarso halka lugta labaad la ciyaari doono 18ka bisha March.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here