Dowladda Hoose Ee Garoowe oo dahfurtay  Qandaraaska Mashruuca lagu dhisaayo afar laami.

0
170

JOWHAR (Radio isnaay) Dowladda Hoose ee degmada Garoowe ayaa  si rasmiya u daah-furtay Qandaraaska mashruuc lagu dhisayo afar waddo oo Laami ah, kuwaas oo laga hirgelinayo Caasimadda Garoowe.

Mashruucan Garoowe looga dhisayo Laamiyada cusub, waxa maal-gelinaya World Bank, waxaana fulin doonta Shirkaddii ku guulaysata Tartanka Qandaraaska ay furtay Dowladda Hoose.

Duqa Caasimadda Garoowe Axmed Siciid Muuse, oo hadal kooban ka jeediyay Furitaanka Qandaraaska, ayaa sheegay in loo geli doono tartan ku dhisan caddaalad, kaas oo aan cidna si gaar ah loogu naas-nuujin doonin.

Sidoo kale, wuxu sheegay in cid kasta oo ku qanci wayda natiijada ka soo baxda tartanka Qandaraaskan ay fursad u siin doonaan in ay soo gudbiso wixi cabasho ah, si baaritaan loogu sameeyo.

Maamulka Puntland ayaa dadaal xoogan ugu jirto sidii loo dayactiri laha wadooyinka muhiimka ah ee deegaanada maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here