Amnesty oo Warbixin ay Soo Saartay ku Dhaliishay Ciidamada Eriterea.

0
255

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa warbixin ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in boqollaal qof oo rayid ah oo aan hubaysnayn ay ciidammada Eritrea bishii Nofeembar ee sanadkii tegay ku xasuuqeen magaalada taariikhiga ah ee Axum ee waddanka Itoobiya, intii uu socday dagaalkii gobolka Tigray.

Hay’adda ayaa waxa ay ciidammada Itoobiya kuwa Eritrea ku eedaysay inay gaysteen “dambiyo badan oo dagaal” waqtigii ay wadeen dagaalkii ay magaalada kula wareegayeen.

Dowladda Itoobiya ayaanan weli ka jawaabin warbixinta Amnesty International hasayeeshee Khamiistii ayey sheegtay in goor hore bilowday baaritaanka dambiyadii laga gaystay gobolka Tigray.

Dilal aan sharciga waafaqsanayn, duqeymo aan loo meel dayin iyo boob baaxad leh ayaa ka mid ah tacaddiyada hay’adda Amnesty International ay ku eedeynayso ciidamada Eritrea in ay ka geysteen magaalada Axum, kaddib markii ay ciidamada Itoobiya gacan ka siiyeen in ay dib u qabsadaan magaaladaasi

Warbixintan cusub ayaa muujineysa tacaddiyo iyo dambiyo la sheegay in ay magaaladaasi ka dheceen intii u dhaxeysay 19-kii ilaa 29-kii Nofeembar ee sanadkii tegay, xilligaasi oo ciidamada Itoobiya iyo kuwa Eritrea ay dagaal ugu jireen gacan ku haynta magaalada Axum.

Hay’addani Amnesty International ayaa caddeymo ka uruurisay dad ka badbaaday tacaddiyadaasi oo ku sugan gudaha gobolka Tigray iyo xeryo qaxooti oo ku yaal dalka Suudaan.

Amnesty waxay sidoo kale isticmaashay sawirro dhanka satellite-ka ah oo ay sheegeyso in ay muujinayaan xabaal wadareedyo ku yaal agagaarka magaaladaasi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here