Ninkii u dambeeyay qowmiyadda Juma ee Brazil oo Covid-19 u Geeriyooday.

0
219

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ninkii u dambeeyay ee ka noolaa qowmiyadda Juma ee dalka Brazil ayaa u dhintay Fayraska Korona, taasoo soo afjartay qowmiyad horraantii qarnigii 20-aad ka koobnayd kumannaan qof.

Aruká ayaa ahaa ninka keliya ee ka haray qowmiyaddas, waxaana la rumaysan yahay in da’diisu u dhexaysay 86 ilaa 90 jir. Qowmiyadda Juma oo mar caan ka ahayd gobolka Amazonas ee koonfurta Brazil.

Xasuuq ka dhan ah qowmiyaddaas iyo cudurro dilaa ah ayaa laayay xubnaha Juma, illaa markii dambe uu ka soo haro qoyska Aruká oo keliya.

“Waxaa murug weyn ku haysay sida ay qowmiyaddiisa u badnaan jirtay iyo sida uu ku noqday ninka keliya ee ka haray,” ayuu sheegay Gabriel Uchida, ooo wax ka qoray noolasha qowmiyaddaas.

Aruká ayaa dhalay saddex gabdhood. Maadaama aysan jirin rag ka haray qowmiyaddooda oo guursan kara, waxa ay gabdhahaas u dhexeen niman u dhashay qowmiyadda Uru-eu-wau-wau.

Sida caadada u ah qowmiyadaha ku nool deegaannadaas, carruurta uu awowga u yahay Aruká waxa ay ku xisaabsan yihiin qowmiyadda aabahood.

Balse si aan horay loo arag ayaa qaar kamid ah carruurta uu awowga u yahay Aruká waxa ay go’aansadeen inay wada sheegtaan qowmiyadaha Uru-eu-wau-wau iyo Juma.

“Waxaan sii wadi doonnaa dhaqankii awoowayaasheen,” ayuu yiri Bitaté Uru-eu-wau-wau oo 20 jir ah.

Wiil kale oo ay ilma-habreed yihiin laguna magacaabo Kuaimbú ayaa qaatay go’aan kaa lamid ah: “Ma dooneyno inaan hilmaamno halgankii qowmiyaddeena. Waan ku faraxsanahay halgankii ay galeen awoowgay iyo hooyooyinkeen, waana sii wadi doonnaa.”

Kuaimbú ayaa magacyadiisa ku daray midka awowgii hooyo, waxaana uu hadda ku hawlan yahay sidii aqoonsigiisa loogu qori lahaa magaca Kuaimbú Juma Uru-eu-wau-wau.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here