Barcelona Oo Garaacday Elche iyo Lionel Messi Oo Laba Jeer Shabaqa Soo Taabtay.

0
223

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Barcelona ayaa guul ay u qalmeen ka gaadhay kooxda Elceh kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga waliba baaqi u ahaa kooxda Ronald Koeman.

Kulanka ayaa ahaa mid markii hore ku adkaa kooxda Barcelona iyada oo Elche si fiican u difaacanaysay sidoo kale goolhayeheedu sameeyay badbaadino fiican.

Sidoo kale Elche ayaa samaysay fursado fiican oo ay Barcelona kaga dhalin kartay goolal laakiin Nasiibka ayaa ka hor istaagay arintaas.

Waxa bar-baro gool la’aan ah ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Barcelona ku dhibaatootay in ay gool ka dhaliso kooxda Elche.

Kooxda Barcelona ayaa qaybtii dambe si dar-dar leh ku soo gashay iyaga oo u muuqday kuwo dhiiri gashan waliba ay ka go’antahay in ay dhaliyaan goolal ay ciyaarta wax kaga badalaan.

Barcelona ayaa ka midho dhalisay dadaalkii ay ku doonaysay goolasha iyaga oo kooxda Elche ka dhaliyay goolal waliba furay daafacii ay dhigteen.

Daqiiqadii 48-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay kabtankooda Lionel Messi kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 ay ku hogaaminayso kooxdiisu ciyaarta.

Barcelona ayaa sii lama jibaartay dadaalada iyo weerarada ay ku qaadaysay kooxda Elche kuwaas oo ka baxay daafaca waliba bilaabay in ay weerar qaadaan si ay goolka bar-baraha u dhaliyaan.

Mar kale ayuu daqiiqadii 68-aad Lionel Messi dhaliyay goolkii 2-aad ee kooxdiisa isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay Barcelona ku hogaaminayso ciyaarta.

Saaxiibada Lionel Messi ayaan ka daalin sidii ay u sii dheeraysan lahaayeen natiijada ciyaarta una dili lahaayeen rajada Elche ka qabto ciyaarta.

Daqiiqadii 73-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 3-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga jordi Alba kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0.

Barcelona ayaa daqiiqadii 81-aad heshay fursad ay ku dhalin kartay gool kale laakiin Griezmann ayaa iska khasaariyay fursad cajiib ah.

Hal daqiiqo kadib Griezmann ayaa mar kale ku dhawaaday in uu gool kale dhaliyo laakiin kubadii uu laagay ayaa daba martay goolka inkasta oo uu goolhayaha garab maray.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Barcelona guul ay u qalmeen ka gaadhay kooxda Elche iyaga oo ku soo laabtay wadada guulaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here