David Beckham Oo Jawaabay Ka Dib Markii Marcus Rashford Uu Barbareeyay Rikoodhkiisa Manchester United.

0
242

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – David Beckham ayaa filanaya in Marcus Rashford uu dhaafo rikoodhkiisa goolasha Manchester United ka dib markii uu barbareeyay iyagoo haatan wada leh 85 gool.

Xiddigii loogu jeclaa United David Beckham ayaa ku jira kaalinya 24aad ee xiddigaha ugu goolasha badan Man United, wuxuu ka horeeyaa halyeeyga kale ee kooxda Eric Cantona laakiin wuxuu ka danbeeyaa Lou Macari.

Rashford ayaa soo qabtay halyeeygii kooxda Beckham oo ay haatan wada leeyihiin 85 gool ka dib markii uu Rashford shabaqa ka soo taabtay Newcastle kulankii Old Trafford.

Rashford ayaa durbaba dhaliyay 18 gool xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan, wuxuu afar gool u jiraa goolashiisii ugu badnaa ee hal xilli ciyaareed oo uu dhaliyay sannadkii hore.

Man United ayaa u dabaaldegtay in Rashford uu barbareeyay Beckham iyagoo qoraal iyo sawir soo dhigay bogooda Instagram, waxaana ka soo jawaabay David Beckham.

Beckham ayaa ku kaftamay inuusan wax fekrad ah ka heysanin inuu goolal intaas la eg uu u soo dhaliyay Man United.

“Ma hubo inaan isku lambar sii ahaan doono waqti dheer Marcus Rashford” ayuu ku kaftamay Beckham. “Ma aanan ogeyn inaan goolal sidaas u badan soo dhaliyay” ayuu yiri.

Rashford ayaa isagana ku dabaaldegay bogiisa Twitter ka dib guushii Newcastle isagoo soo qoray:

“Waxaan caawa heystaa wehel weyn, waxaan barbareeyay rikoodhkii Becks” ayuu yiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here