Chelsea Oo Garaacday Atletico Madrid & Bayern Munich Oo Xasuuq Ka Geysatay Talyaaniga.

0
215

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Chelsea ayaa sarre u qaaday fursadeeda ay ugu soo bixi karto wareega sideed dhamaadka Champions League ka dib markii ay 1-0 ku suuldaareen kooxda Atletico Madrid oo marti loo ahaa lugta hore ee wareega 16ka.

Gool aad u qurux badan oo qalaama rogaal ah uu dhaliyay Olivier Giroud qeybtii labaad ee ciyaarta ayay Chelsea ku dubatay kooxda Atletico Madrid oo lugta labaad booqan doonta garoonka Stamford Bridge.

Labada kooxood ayaa soo bandhigay qeybtii hore ciyaar aan socod badan laheyn gaar ahaan kooxda ku qoran in martida loo yahay ee Atletico Madrid.

Chelsea ayaa kubada si fiican u wareejineysay laakiin wax hanjabaad ah ma aysan geysan halka Atletico ay ciyaareysay kubadii lagu yaaqanay ee ah inay jahwareeriso kooxaha ka horyimaada.

Atletico Madrid kaliya hal darbo ayay sameysay qeybtii hore, waa markii ugu horeysay ee ay sidaan ku dhacdo 45ta daqiiqo ugu horeysay kulan Champions League ah tan iyo xilli ciyaareedkii 2016-17.

Chelsea ayaa isku dayday 403 baasas qeybtii hore, waxayna aheyd 100 baas in ka badan inta ay sameysay Atletico Madrid. Qeybtii hore waxaa sidoo kale la bixiyay jaalihii ugu dhaqsaha badnaa Champions League xilli ciyaareedkan iyadoo xiddiga Chelsea Mason Mount uu 55 ilbiriqsi ku qaatay calaamada digniinta.

Daqiiqadii 68aad ayay Chelsea hogaanka ciyaarta ugu qabatay si cajiib ah ka dib markii Olivier Giroud uu dhaliyay gool uu qalaamo rogaal sameeyay, wuxuuna ahaa gool aad u qurux badan laakiin VAR ayay ku qaadatay labo daqiiqo inay goolka xaqiijiso.

Giroud ayaa boos offside ah taagnaa markii uu kubada helayay balse waxaa offside-ka meesha ka saaray inay kubada ku soo dhacday Hermoso taasoo ka dhigeysa Giroud inuusan offside aheyn goolka sax ka dhigtay.

Chelsea oo ciyaarta maamuleysay ayaa u qalantay guusha ay ka gaartay Atletico Madrid oo ciyaarta ku bilaabatay difaacasho kuna dhameysatay kubad difaacasho.

Dhanka kale Bayern Munich ayaa magaalada Rome waxay 4-1 ku xasuuqday kooxda Lazio iyagoo hal lug la sii galay wareega sideed dhamaadka Champions League.

Sagaal daqiiqo ayay ku qaadatay Bayern Munich inay hogaanka u qabato ciyaarta waxaana shabaqa u soo taabtay mashiinkooda goolasha Robert Lewandowski. Xiddiga reer Poland ayaa dhaliyay goolkiisii 72aad ee Champions League isagoo ka sarre maray xiddigii in muddo ah soo heystay rikoodhka gooldhalinta Raul.

Jamal Musiala ayaa u labeeyay ka hor inta uusan Leroy Sane dhalinin goolka seddexaad wax yar hor waqtigii nasashada ciyaarta iyadoo lagu kala nastay 3-0 oo ay Bayern hogaanka ku heysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here