Kulanka Atletico Madrid vs Chelsea – Xogta Labada Kooxood iyo Shaxaha Macquulka ah.

0
224

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Lugta hore ee wareega 16ka Champions League ayaa weli socota iyadoo Atletico Madrid ay martigelineyso Chelsea laakiin kulankaan kama dhacayo Spain.

Ciyaartaan waxay ka dhici doontaa magaalada Bucharest sababo la xiriira xadidaad dhanka safarka ah.

Labada kooxood waxaa ka buuxa xiddigo badan oo tayo leh laakiin kama mid ahan kooxaha loo saadaalinayo hanashada koobka, midkood labadaan kooxood ayaa u gudbi doona wareega sideeed dhamaadka marka lugta labaad la ciyaaro bisha danbe.

Lugta hore ee wareega 16ka ayay ciyaarayaan iyagoo natiijooyin niyadjab leh kala soo kulmay kulamadii horyaaladooda.

Kulanka: Atletico Madrid vs Chelsea

Garoonka: Arena Naţională – Bucharest

Waqtiga: 11pm Saacada Geeska Afrika

Garsoore: Felix Brych (Germany)

Atletico: Ma xusuusataa sida ay Atletico u la carareysa koobka horyaalka La Liga? hadaba xaalka sidaas waa iska bedelay. Waxay u muuqataa in tartanka horyaalka uu noqday mid labo fardood ah iyadoo ay ku soo biirtay Real Madrid madaama Atletico ay badisay kaliya hal kulan oo ka mid ah afartii kulan ee ugu danbeysay, waxaana gurigooda uga badisay Levante kulankii Sabtida.

Daafacooda waxaa ka buuxay qaladaad taasoo aan looga baranin Atltico halka weerarkooda uu ahaa mid qaab ciyaareedkii fiicnaa lumiyay. Labadii kulan ee ugu danbeysay oo ay la ciyaareen Levante, Atletico waxay heshay 42 darbo iyagoo dhaliyay kaliya hal gool. Waxaa rajeynayaa in qaab ciyaareedkooda liita inay iska gadaal mariyaan kulanka maanta.

Chelsea: Christian Pulisic ayaa ka soo laabanaya dhaawac waxaana la filayaa inuu u dheelo Blues halka Thiago Silva uu weli dhaawac ku maqan yahay taasoo daafaca Chelsea boos adag dhigeysa madaama ay ka horimaanayaa weerar orod badan oo tayo leh.

Tan iyo markii Silva uu dhaawacmay kulankii Tottenham ee 4tii bishii Febraayo, Blues waxaa laga dhaliyay kaliya labo gool afar kulan oo ay dheeleen iyadoo booskiisa uu buuxiyay Andreas Christensen. Laakiin kulamadaas waxay la ciyaareen kooxaha hooseeya ee Sheffield United, Barnsley, Newcastle iyo Southampton.

Tijaabada dhabta ah ayaa haatan bilaabaneysa iyagoo la ciyaaraya Atletico Madrid, Manchester United, Liverpool, Everton Leeds iyo lugta labaad ee Atletico.

Shaxda Macquulka ah

Atletico Madrid (3-1-4-2): Oblak; Savic, Felipe, Hermoso; Kondogbia; Llorente, Koke, Torreira, Niguez; Correa, Suarez

Real Madrid (3-4-3): Mendy; Azpilicueta, Christensen, Rudiger; Hudson-Odoi, Kovacic, Jorginho, Alonso; Mount, Werner, Abraham

Saadaasha

Madaama ay labada kooxood itaalkooda uu isla egyahay saadaashu waa inay barbaro ku kala bixi doonaan oo dani ay ugu jirto Chelsea. Atletico Madrid 1-1 Chelsea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here