Donald Trump oo Markale Amar la Duldhigay.

0
177

Jowhar –  ( Radio Isnaay ) – Maxkamadda ugu sarraysa Mareykanka ayaa madaxweynihii hore ee dalkaas, Donald Trump ku amartay in uu xafiiska dacwad oogista ee New York ku wareejiyo dhammaan dukumentiyada la xiriira canshuur celinta iyo xisaabihiisa kale.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka ayaa horay u diiday in uu soo bandhigo waraaqaha la xiriira canshuur celintiisa muddo sannada ah, maadaama sharciga uu dhigayo sidaas. Maxkamad hoose ayaa amartay in dukumentigaas uu yahay mid khuseeya baaritaan dembi.

Go’aanka maxakamadda kama dhigna in dukumentigaas xilligan loo soo bandhigayo dadweynaha balse khubarada sharciga waxay sheegeen inay tahay mid lagu ogaanayo, laguna baarayo sax ahaanshaha canshuur celinta qofka, lagana yaabo in dib dadweynaha looga soo bandhigo haddii ay noqoto in wax dembi ah lagu helo.

Go’aanka maxakamadda sare ee Mareykanka ayaa la aaminsan yahay in uu culeys ku yahaya Donald Trump oo in muddo ah ku jiray dagaal ah sidii uu u difaaci lahaa diiwaanka xisaabaadkiisa.

Bartamaha sanadkii hore, maxkamadda sare ee Mareykanka ayaa xukuntay in dukumentiga canshuur celintia Trump ay qiimeeyaan xafiiska dacwad oogista ee New York.

Haseyeeshee qareenadii matelayay Mr Trump ayaa go’aankaas kasoo horjeestay, iyagoona ku dooday mid aan wanaagsaneyn balse maalin kahor, maxkamaddu waxay ku gacan seyrtay doodad qareenada madaxweyne Trump.

Sida ay kusoo warrameen qaar kamid ah warbaahinta Mareykanka, tani waxay ahayd fursaddii ugu dambeysay ee u furneyd madaxweyne Trump oo aqalka cad ka tegay bishii hore.

War qoraal ah oo uu soo saaray ayaa Mr Trump waxaa uu xafiiska dacwad oogaha ee New York ku eedeeyay kuwa isaga bartimaameedsanaya, wuxuuna maxkamadda sare ku dhaliilay go’aanka ay gaartay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here