Xiddigii Nigeria Ee Ugu Qaalisanaa Afrika Oo Xalay Isagoo Meyd Ah Laga Dhex Qaaday Garoonka.

0
171

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Garoonka ayaa murugo isku beddelay, ciyaartoyda ayaa  u qaylinayay dhakhaatiirta si ay degdeg ugu soo galaan garoonka oo ay u badbaadiyaan, laakiin kuwa ay dareenka saska leh uu galay ayaa ku dhawaaqayay in ogsajiin lala soo cararo, si neefsi macmal ah loogu sameeyo.

Telefishannada ayaa kaamirooyinka ka leexiyey laacibkan xiddigan oo dhulka yaalla, dhakhaatiirtuna ku xoonsan yihiin, waxaase taas beddelkeeda shaashadaha kasoo muuqanayay ciyaartoyda oo niyad-jabsan, qaarkoodna madaxa haystaan.

Inkasta oo ay murugo muuqatay, haddana may jirin oohin, waxaana jirtay niyad-samaan ah in xaaladda laacibkan uu isbeddel ku iman doono.

Xiddiga reer Nigeria ee Victor Osimhen ayaa si xun dhulka ugu dhacay markii ay isku dhaceen Cristian Romero, waxaana markiiba ka tegay miyirka isagoo galay koomo.

Laacibka reer Nigeria ayay gurmad degdeg ah u fudiyeen dhakhaatiirtii garoonka joogtay, waxaana muddo xaaladdiisa lala tacaalayay uu walaac badani haystay ciyaartoyda labada kooxood oo aan u kala hadhsanayn walwalka iyo sida ay uga naxeen dhacdadan.

Muddo markii lala tacaalay, waxa Victor Osimhen oo wali koomo ku jira si degdeg ah loo saaray ambalaas loogula cararay cusbitaalka Papa Giovanni XXIII oo aan wax badan ka fogeyn, halkaas oo xalay uu u hoyday.

War-saxaafadeed ay Napoli soo saartay ayay ku sheegtay in xiddigan oo ay 80 milyan oo Euro kusoo iibsatay xagaagii uu ka baxay koomadii, isla markaana uu xalay u hoyday cusbitaalka.

Xiddigan oo ah laacibka ugu qaalisan ciyaartoyda Afrika abid, ayaa cusbitaalka kusii jiri doona illaa maanta si xaaladdiisa ay dhakhaatiirtu si buuxda ugu wada hubiyaan, isla markaana ay u fadhiisato maskaxda oo ay jug ka  gaadhay.

Victor Osimhen oo ay Napoli soo iibsatay xagaagii ayaa xili ciyaareedkan ay dhaawacyo daashadeen, waxaana kaliya uu saftay 16 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here