Manchester United Oo Kusoo Laabatay Kaalinta 2aad ee Premier league.

0
215

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Manchester United ayaa kusoo laabatay kaalinta labaad ee horyaalka Premier League oo ay kala baxday Leicester City oo booskaas cidhiidhsatay saacado ka hor, waxaana Red Devils ay dib ula soo wareegtay kaalintan markii ay 3-1 ku garaacday Newcastle United oo ay ku qaabbishay Old Trafford.

Marcus Rashford ayaa Manchester United u furay gool-dhalinta, isagoo daqiiqaddii 30aad shabaqa soo taabtay, laakiin Newcastle ayaa kaga jawaabtay gool qurux badan oo uu u dhaliyey Allan Saint-Maximin.

Qaybtii labaad ayay Manchester United si buuxda u xaqiijisatay inay ku noqonayso kaalinta labaad, waxaana kubbad uu ka shaqeeyey Bruno Fernandes ay u tagtay Daniel James oo daqiiqadii 57aad hoggaanka ciyaarta ugu soo celiyey kooxdiisa.

Xiddiga khadka dhexe ee Bruno Fernandes ayaa qaybtii labaad hoggaanka usii dheereeyey kooxdiisa, isagoo noqday ciyaartoyga ugu goolasha badan kooxdiisa xili ciyaareedkan.

Manchester United ayaa guushan waxay ku yeelatay 49 dhibcood iyagoo farqiga dhibcaha kaga horreeya Leicester City oo ay isku dhibco yihiin, hase yeeshee Manchester City oo hoggaanka haysa ayay ka dambeeyaan toban dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here