Tababaraha Everton Oo Ka Dhex Ooyay Garoonka  Anfield – Maxaa Ku Dhacay?

0
293

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kaddib markii ay soo dhamaatay ciyaartii Everton ay ku garaacday Liverpool ee ka dhacday garoonka Anfield, waxa isla garoonka ka dhacday arrin lama filaan ah, kaddib markii ay kaamirooyinku soo qabteen tababare ku-xigeenka kooxda guuleysatay oo ka dhex ooyaya garoonka.

Everton ayaa ku gaadhay Anfield guushii ugu horreysay tan iyo sannadkii 1999kii, waxaana inkaartaas inay soo afjarto ka caawiyey Richarlison iyo Gylfi Sigurdsson oo labadii qaybood ee ciyaarta dhaliyey labada gool ee ay guushu ku raacday Toffees.

Marka laga yimaaddo guusha Anfield, Everton ayay u ahayd markii ugu horreysay ee ay ka adkaato Liverpool tan iyo sannadkii 2010kii, waxaana muddadaas tobanka sannadood ah wada guuleysanaysay Reds.

Laakiin caawa ayay Everton soo afjartay inkaarta Anfield ee 22 jirsatay iyo midda kale ee toban jirsatay, waxaanay taasi keentay in Duncan Ferguson uu garoonka dhexdiisa ooyinta xajisan waayo.

Ferguson oo toban sannadood joogay Goodison Park isagoo ciyaartoy ah, marna tababare ah, kama mid ahayn safkii Toffees ee sannadkii 1999kii ka adkaaday Liverpool, sababtoo ah waxa uu waqtigaas ku maqnaa Newcastle United, inkasta oo uu isku tirinayay inuu qayb ka yahay kooxdan.

Laakiin Duncan Ferguson oo hadda ah tababare ku-xigeenka Ancelotti, muddo gaabanna kooxda kasii ahaa tababare ka hor intii aan la magacaabin Ancelotti, ayaa waxa uu orod kusoo galay Anfield markii ay ciyaartu dhamaatay, waxaanu ku dhegay weeraryahanka reer England ee Calvert-Lewin isagoo ilmayana.

Si kastaba, Liverpool ayay guul-darradani kusii kordhisay murugada haysata, waxaanay u ahayd ciyaartii afraad ee xidhiidh ah ee lagaga badiyo Anfield tan iyo sannadkii 1923kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here