Madaxweyne Hore Quraafaad ugu Tilmaamay Covid-19 oo Hadda Runta Ogaaday

0
188

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha Tanzania John Magufuli ayaa laga soo xigtay hadalo loo fasirtay in ay isbadeshay siyaasaddii dowladiisa ee cudurka Karoonaha.

Isaga goob kaniisad ah oo ku taala Daarasalaam kula hadlayay boqolaal dad ah ayuu u sheegay in ay dadka taxadaraan, dowladiisana aysan dadka marnaba ka hor istaagin in ay xirtaan gafuur-xidhka.

Waxase uu soo jeediyay in ay isticmaalaan gafuur-xidhka lagu sameeyay gudaha Tanzania, isaga oo ku dooday in kuwa dalka dibadiisa laga keenay aysan ahayn kuwa badqaba.

Waxa uu dhanka kale ku dhiirogaliyay dadka in ay sii wadaan dawo dhaqameedka, sida uumiga iyo qaaca la isku ulayo si looga hortago fayriska.

Hadalka madaxweynaha ayaa kusoo hagaagay xilli ay cudurka u dhinteen shaqsiyaad caan ah oo ay ku jiraan dad madaxwenaha saaxiibadiisa u dhow ah.

Dhanka kale hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa dowladda Tanzania ku boorisay in ay kor usii qaaddo dedaalada looga hortagayo cudurka, islamarkaasna biloowdo talaalka cudurka.

War murtiyeed kasoo baxay xafiiska xoghayaha guud Tedros Adhonom ayaa lagu muujiyay walaac xoogan oo ku saabsan tirada dadka Tanzaniayaaka ee u talaabaya dalalka dariska ah , kuwaas oo uu hayo cudurka karoonaha, taas oo uu xoghayaha guud sheegay in loo baahanyahay in laga qaado talaabooyin degdeg ah.

Sanadkii hore, madaxweyne Magufuli ayaa ku baaqay in saddex maalmood oo duco qaran ah loo qabto dalka, maalmo kadibna wuxuuba shaaciyay in Karoonaha uu ka dhamaaday Tanzaniya.

Dadka mardhow dhintay waxaa ka mid ah madaxweyne ku xigeenkii Zanzibar Macalin Seyf Shariix Xamad, kaas oo intii uu noolaa sheegay in uu Karoone ku dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here