Southampton vs Chelsea – Tuchel Oo Guushii 6aad Oo Xidhiidh Ah Raadinaya

0
196

JOWHAR (Radio Isnaay) Chelsea ayaa raadin doonta in guushii lixaad oo dhamaant artamada ah ay soo hoyso marka ay waqti hore oo maanta ah u tagto Southampton.

Bluyes ayaa xoogsatay dhibcihii ugu badnaa ee horyaalka afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey oo ay wada guuleysatay, waxaanay taasi keentay inay soo fadhiistaan kaalinta afraad ee miiska kala-sarraynta, halka Southampton ay kaalinta 13aad u dhacday kaddib lix ciyaarood oo isku xiga oo la garaacay.

Kooxda garoonkeeda joogta ee Liveprool ayay ugu dambaysay inay wax guul ah gaadho bilowga bishii January oo ay Liverpool kaga adkaatay 1-0, laakiin intii ka dambaysay ayuu tababare Ralph Hasenhuttl garan la’ yahay sidii uu kooxda ugu soo celin lahaa jidka guusha inkasta oo ay February 11 heleen guul ay ugu gudbeen wareegga siddeedda FA Cup.

Saints ayaa u muuqanaysay inay boos ku yeelan doonto tartamada Yurub dhamaadka sannadkii hore ee 2020, laakiin bandhig liita ayaa u bilowday, waxaanay hadda iska illoobeen hankaas iyagoo 13aad fadhida isla markaana 11 dhibcood ka dambeeya Liverpool oo kaalinta lixaad kaga jirta horyaalka.

Dhibaatada kale ee Southampton haysata ayaa waxay tahay inay halis ugu jiraan inay sii degaan, sababtoo ah, Newcastle United oo ku jirta kaalinta 17aad waxay kaliya ka sarreeyaan afar dhibcood, iyadoo ay ciyaarta Chelsea na u xigaan Leeds United iyo Everton.

Dhinaca kale, Chelsea ayaan wax guul-darro ah la kulmin tan iyo intii shaqada laga caydhiyey Frank Lampard ee uu yimid Thomas Tuchel dhamaadka bishii January.

Lix ciyaarood oo uu tababaraha reer Germany hoggaamiyey ayaa waxa kulankiisii koowaad uu u ahaa barbarro ay la galeen Wolves, laakiin shantii ciyaarood ee xigtay ayuu dhamaantood badiyey, iyagoo garaacay Burnley, Tottenham Hotspur, Sheffield United iyo Newcastle United. Waxa intaa  u dheer hal ciyaar oo FA Cup ahayd.

Blues waxay hadda isku dhibco yihiin West Ham United oo shanaad ku jirta, waxaanay kaga horreeyaan farqiga goolasha, laakiin Manchester United iyo Leicester City oo labaad iyo saddexaad ku jira, ayaa waxay ka horreeyaan min afar dhibcood, waxaana guul ay ka helaan ciyaartan ay ugu sii dhowaan doonaan boosaska sare.

Tuchel ayaa marka ay ciyaartani kasoo dhamaato, waxa uu isku diyaarin doonaa kulanka adag ee Champions League ee Atletico Madrid oo ay lugta hore ee wareegga 16ka wada ciyaari doonaan Salaasada soo socota.

Marka la eego natiijooyinka ay lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka ka keeneen Chelsea iyo Southampton, waxay ku jiraan laba xaaladood oo aad u kala fog.

Southampton dhamaan waa laga badiyey lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee horyaalka, halka Chelsea ay afar guulood, mid barbarro ah iyo mid laga badiyey ay soo diiwaangashatay.

Xogta kulanka

Kulanka: Southampton vs Chelsea

Tartanka: Premier League

Waqtiga: 2:30pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: St. Mary’s Stadium

Wararkii ugu dambeeyey ee labada kooxood

Tababaraha Southampton ee Hasenhuttl ayaa Khamiistii xaqiijiyey in Kyle Walker-Peters uu garoomada ka maqnaan doono muddo usbuucyo ah, halka Ibrahima Diallo iyo Theo Walcott ay iyaguna dhaawac kaga maqan yihiin ciyaartan.

Michael Obafemi iyo William Smallbone ayaa iyaguna wali aan kasoo kabanin dhaawac, laakiin Alexandre Jankewitz oo kaadh cas ciyaartii Manchester United ayaa kasoo noqday ganaaxa.

Jack Stephens ayaa beddeli doona Walker-Peters halka Che Adams uu isaguna kasoo garab muuqan doono Danny Ings.

Dhinaca chelsea, Tammy Abraham ayuu shaki ku jiraa inuu ciyaartan dheeli doono kaddib dhaawac kasoo gaadhay Kuraanta intii ay socotay ciyaartii Newcastle United, waxaanay taasi ka  dhigan tahay in Olivier Giroud uu hoggaamin doona safka Blues.

Thiago Silva iyo Kai Havertz ayaa Khamiistii kusoo laabtay tababarka laakiin difaaca reer Brazil ayaan kulankan dheeli dooni maadaama aanu wali taam ahaansho buuxa hehin, hase yeeshee Andreas Christensen ayaa sii wada doona inuu Rudiger kusoo garab bilowdo.

Goolhaye Mendy ayaa isagana la filayaa inuu kusoo noqdo biraha dhexdooda kaddib Kepa oo fursad helay ciyaartii ugu dambaysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here