Manchester United Iyo Tottenham Oo Xasuuqyo Xalay Geystay.

0
184

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Manchester United ayaa lug lasii gashay wareegga 16ka tartanka Europa League, kaddib markii ay si xun u karbaashtay Real Sociedad oo ay ku kulmeen magaalada Turin ee waddanka Talyaaniga.

Kulankan oo ay ahayd inuu ka dhaco waddanka Spain ayaa loo raray Talyaaniga, maadaama xayiraadi saaran tahay safarrada ka imanaya Ingiriiska ee ku socda dalkaas, waxaana ciyaartan martigelisay Juventus oo garoonkeeda u furtay, iyadoo Real Sociedad ay ahayd kooxda loo xisaabinayay inay garoonkeeda joogto.

Manchester United oo sugaysay inay imtixaan adag marto, ayaa waxay waqti horeba xaqiijisatay inay taagan tahay heer ay ka fikirto kooxda ay la ciyaari doonto wareegga xiga ee 16ka, iyadoo 4-0 ay ku garaacday Sociedad oo ciyaarta xigtana ugu iman doonta Old Trafford.

Bruno Fernandes ayaa Manchester United u dhaliyey gool qaybtii hore, iyadoo uu garab ka helayay Marcus Rashford oo kubadda usoo dhiibay, waxaanu goolkaasi ahaa midka kaliya ee qaybta hore labada kooxood kala soocay.

Real Sociedad ayaa dardar badan samaysay qaybta  hore, laakiin Manchester United ayaa iyaduna heshay fursado qaali ahaa, gaar ahaan Scott McTominay oo u dhowaaday inuu dabbaal-dego hase yeeshee uu goolhaye Alex Remiro ka diiday in kubaddu ay gasho goolka.

Qaybtii labaad ayay wax waliba isbeddeleen oo ay Manchester United jabsatay Real Sociedad, waxaana daqiiqaddii 57aad gool labaad u dhaliyey xiddiga reer Portugal ee Bruno Fernandes oo hoggaanka usii dheereeyey kooxdiisa.

Fernandes ayaa goolkan uu dhaliyey waxa uu u ahaa mid taariikhi ah, sababtoo ah, waxa uu ahaa goolkii 24aad ee uu ku lug yeesho tan iyo markii uu ciyaartiisii ugu horreysay ee Europa League ah saftay February 2018 waqtigii uu joogay Sporting Lisbon. Laacibkan ayaa illaa waqtigaas dhaliyey 16 gool iyo siddeed kale oo uu caawiyey. Ma jiro ciyaartoy kale oo tiro goolal intaas le’eg ku lug yeeshay Europa League muddadaas.

Marcus Rashford ayaa rajo la’aan ka dhigay Real Sociedad siddeed daqiiqadood oo kaliya kaddib goolka labaad ee Bruno Fernandes, waxaana kubbad uu usoo dhiibay Fred uu quus kaga dhibay goolhaye Remiro.

Daniel James ayaa ciyaarta kusoo xidhay gool uu dhaliyey daqiiqaddii 90aad ee dhamaadka ciyaarta, taas oo kooxdiisa usii xaqiijisatay in aan sinaba looga daba iman karaynin oo ay ciyaarta dambe nefis ku jiri doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here