Faah Faahinno Ka Soo Baxaya Duufaanno Ku Dhuftay Qaar kamid ah Gobollada Mareykanka.

0
201

JOWHAR (Radio Isnaay) Duufaanno ku dhuftay gobollada koofureed ee dalka Mareykan ayaa sababay geerida 21 ruux halka ay korontadii ka maqantahay malaayiin ka mid ah dadka ku nool gobolladaas.

Gobolka Texas ayaa ka mid ah gobollada koronta la’aantu sida ba’an uga cabanaya iyada oo uu socdo qabow aad u daran.

Duufaannaha iyo qabowga is wata ayay hay’adaha bixiya saadaasha cimilladu sheegeen in ay sii socon doonaan illaa horraanta todobaadka soo socda.

Gobollada Texas, Kentucky, Luweziana, North Crolina iyo Misuri ayaa ka mid ah gobollada la soo warinayo in dadku ay ugu dhinteen duufaannada, qabowga iyo koronto la’aata is biirsaday.

Hay’adda saadaasha hawada ayaa sheegtay in xaaladda ka taagan gobolka Texas ay gaadhay halkii ugu sarreeysay halka gobolka North Crolina laga diiwaan geliyay saddex qof oo geeriyootay iyo tobaneeyo ay saamayn ku yeelatay xaaladaha ay cimilladu sababeen.

Sidoo kale hay’adda ayaa sheegtay in barafku dabooli doono 71% dalka Mareykanka.

Mowjadaha barafka iyo qabowga ah ayaa sidoo kale sababay in ay xirmaan xarumihii uu ka socday tallaalka Covid-19 halka xarumaha caafimaad ee ku yaalla gobollada qaarna ay awoodi kari waayeen qaboojinta tallaalka koronto la’aanta awgeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here