Liverpool Oo Hal Lug La Gashay Wareega 8da ee Champions League.

0
167

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Liverpool ayaa hal lug la sii gashay wareega sideed dhamaadka Champions League ka dib markii ay 2-0 ku dardareen kooxda RB Leipzig oo marti loogu ahaa dalka Hungary iyo garoonka Puskas Arena.

Reds ayaa wadada guusha ku soo noqotay ka dib guuldarro soo gaartay seddexdii kulan ee ugu danbeysay iyadoo goolal ay u dhaliyeen Mohamed Salah iyo Sadio Mane ay ku xaqiijisteen guusha kulanka lugta hore ee wareega 16ka Champions League.

Lugta labaad waxay ka dhici doontaa garoonka Anfield seddex isbuuc ka dib.

Liverpool ayaa soo bandhigtay qeybtii hore ciyaar la jecleystay iyadoo khadkeeda dhexe uu ahaa mid saameyn badan yeeshay halka weerarkooda ay caaboonaan ka muuqatay. Inkastoo Reds ay ciyaar fiicneyd qeybtii hore hadana fursadii ugu fiicneyd waxay soo martay kooxda Jarmalka markii Olmo uu birta garaacay.

Liverpool ayaa mooday inay hogaanka ciyaarta u qabteen markii uu kubad madax ku dhaliyay Firmino laakiin kubada oo uu soo qaaday Mane ayaa la xukmiyay inay banaanka u baxday ka hor inta uusan dhalinin xiddiga reer Brazil.

Reds iyaguba fursado fiican ayaa soo martay qeybtii hore iyadoo Robertson uu kubad dheer ku sigay goolka halka Mane, Salah iyo Firmino ay heleen fursado aysan ka faa’ideysanin, waxaa qeybtii hore lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah.

Qeybtii labaad RB Leipzig ayaa si cajiib leh ku bilaabatay ciyaarta laakiin Liverpool ayaa hogaanka la wareegtay daqiiqadii 53aad ka dib kubad ay dhiibteen kooxda Jarmalka. Xiddiga khadka dhexe Sabitzer ayaa baas uu u celinayay Klostermann ka qalday taasoo keentay in Salah uu kubada meel cidlo ah ka helo islamarkaana uu la dul tago goolhayaha oo uu dhinac dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here