Gabar uu Dhalay Amiirka Dubai oo Taageero Dalbatay.

0
178

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Gabadh uu dhalay Amiirka Dubai Latifa Al Maktoum oo sanadkii 2018-kii isku dayday inay ka cararto dalkeeda ayaa muuqaal qarsoodi ah u dirtay asxaabteeda, waxay ku eedeysay aabaheed ‘in uu guri ku xiray’ oo ay noqotay ‘laheyste’ isla markaana ay u baqeyso nolosheeda.

Muuqaal lala wadaagay barnaamijka BBC ee Panaroma, Amiirad Latifa Al Maktoum ayaa sheegtay in ciidamada koomaandooska ay xoog kaga soo saareen dooni ay saarneyd xilli ay dooneysay inay baxsato ayna xireen.

Saaxibadeed ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobey in xaaladda ay faraha lasoo gasho.

Maamulka Dubai iyo Imaaraatka Carabta ayaa horraan sheegay in gabadha ay xaaladdeedu wanaagsantahay ayna heleyso daryeel.

Mary Robinson oo ah ergeygii hore ee gaarka ah ee Qaramada Midoobey arrimaha xuquuqul insaanka iyo madaxweynihii hore Ireland oo horraan ku tilmaantay xaaladda gabadha “Gabadha da’yar oo dhibaateysan’ kadib markii ay la kulantay sanadkii 2018-kii ayaa haatan waxay sheegeysaa in amiiradda haatan ay khiyaaneen qoyskeeda.

Waxay ku baaqday in tallaabo caalami ah la qaado si loo ogaado xaaladda iyo goobta ay ku nooshahay Latifa.

“Waxaan weli kasii walaacsanahay Latifa, xaaladda wey isbaddashay, waxay ila tahay in la baaro” ayay tiri Mary Robinson.

Aabaha dhalay Latifa, Sheekh Maxamed Bin Rashiid Al Maktoum wuxuu kamid yahay madaxda ugu taajirsan caalamka, waana amiirka Dubai iyo madaxweyne ku xigeenka Imaaratka Carabta.

Muuqaalladan soo baxay ayaa bilooyin ka hor lagu duubay teleefoon si qarsoodi ah loogu dhiibay Latifa kaddib markii la qabtay laguna celiyay Dubai, waxay muuqaalka ku duubtay iyadoo ku jirta musqusha waana goobta kaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here