Shiinaha oo Dad u Xiray Tallaalka Been Abuurka ah ee Dhaqaalaha laga Sameeyay.

0
207

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Shiinaha ayaa tobonaan qof u xirxiray tallaal been abuur ah oo ay ku lug lahaayeen. Dadkaa la xirxiray ayaa la sheegay in ay ku jiraan koox dambiileyaal ah oo tallaalkaas been abuurka ah ka sameeyey lacag gaaraysa 3 milyan oo dollar.

Booliiska Shiinaha ayaa sheegay in 70 qof oo la tuhunsan yahay loo soo qabqabtay kiisas labaatan gaaraya oo la xiriira wax isdamarinta tallaalka Fayraska Corona.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in koox ka mid ah kooxahaas la soo xirxiray ay isticmaalayeen cusbo iyo biyo la isku milay si ay tallaal ugu ekaysiiyaan.

Qaar ka mid ah tallaalkaas been abuurka ah ayaana loo qaybiyey cisbitaallada si arrimaha degdeggga ay ugu adeegsadaan.

Tallaal kale oo been abuur ah ayaa sidoo kale loo dhoofiyey dalkaas dibaddiisa. Shiinaha ayaa horay u soo saaray tallaal sax ah oo 4 milyan oo xirmo kor u dhaafaya kaas oo si ballaaran looga isticmaalo dunida soo koraysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here