Australia oo Hirgalisay Suuq Lagu Xaraasho Geela Waddankaasi.

0
166

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dalka Australia ayaa laga hirgeliyay seylad online ah oo lagu kala iibsando geela ku dhaqan hawdka dalkaas.

Suuqa AuctionsPlus ee dalka Australia ayaa la soo dhigay sawirrada 120 neef oo geel ah, kuwaas oo noqonaya geelii ugu horreeyay ee lagu iibiyo bartan, waxaana halkii neef lagu iibinayaa 250 doollar.

Dadka deggen galbeedka Queensland ayaa si diirran u soo dhaweeyay suuqan iyaga oo doonaya in ay iibsadaan geela ku nool howdka dalkaas.

Masuuliyiinta suuqa ayaa sheegay in geela ay iibiyaan badankii uu sii daaqi doono miyiga kharashka daabulidda oo aad u badan awgeed.

Arrintan ayaa ka dhigan in dadka iibsada geela aanay u kaxeysan doonin halka ay degan yihiin balse loogu xanaaneynayo halka iminka ay ku nool yihiin ee ah deegaanada miyiga.

Inkastoo aanan la ogeyn heerka uu gaarsiisan yahay dalabka geela ee haatan la bilaabay in suuqa internet-ka lagu iibiyo, haddana waxaa jira in dadka qaar ay u adeegsadaan tartamada geela ee gudaha dalkaas halka kuwa kalena la sheegay inay doonayaan inay qashaan oo ay hilib ka helaan.

Geela ayaa dalka Australia la geeyay qarnigii 19-aad, waxaana sababtu ahayd in loo adeegsado gaadiid ahaan inkastoo markii dambe lagu fasaxay hawdka.

Australia ayaa sanadihii dambe bilawday in ay layso geela hawdka ku nool, kaddib markii la sheegay in uu biyo badan cabo, taas oo lagu tilmaamay mid caqabad ku ah deegaanka, maadaama abaaro ay kusoo noqnoqdeen dalkaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here