Dhaawacyada Xiddigaha Real Madrid Oo Noqotay Tusbax Xrigga Goostay.

0
244

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Liiska xiddigaha ka dhaawacan Real Madrid ayaa daba furan noqday, waxaana ku biiray xiddig dhawaan uun kasoo kabtay oo kooxdiisa ciyaartii ugu horreysay ugu soo bilowday muddo usbuucyo ah oo uu maqnaa kaddib.

Zinedine Zidane ayay guushii Valencia uu ka gaadhay u ahayd mid farxadeed oo dhinacna ka wadatay madax xanuun iyo niyad-jab kaddib markii uu dhaawacmay Dani Carvajal oo garoonka ka baxay 25 daqiiqadood oo kaliya markii uu ku jiray.

Los Blancos ayaa soo dhoweysay labada ciyaartoy ee Carvajal iyo Lucas Vazquez oo kasoo kabtay dhaawac, hase yeeshee waxa uu madax xanuun ku bilowday daqiiqaddii 25aad ee ciyaartii Valencia ay ku garaaceen 2-0, markaas oo garoonka laga saaray Dani, waxaana lagu beddelay Vazquez oo farsameeyey goolka labaad ee ay kooxdiisu dhalisay.

Dani Carvajal oo aan kooxdiisa u ciyaarin tan iyo kulankii Celta Vigo ee January 2 oo uu daqiiqaddii 85aad dhaawac kaga baxay, ayay Real Madrid warbixin kasoo saari doontaa dhaawaciisa cusub oo isaguna muruqa ah.

Laacibkan ayaa  seegi doona kulanka Atalanta ee lugta hore ee tartanka Champions League wareeggiisa 16ka oo Real Madrid ay safar ku tegi doonto Talyaaniga 24ka bishan Februry, sida uu sheegay wargeyska Marca ee kasoo baxa waddanka Spain, laakiin waxa lagu go’aan qaadan doonaa baadhitaannada lagu sameeyo maalmaha soo socda.

Xili ciyaareedkan oo ah midkii ugu xumaa ee Carvajal soo maray, ayaa waxa uu hore dhaawac ugu seegay 100 maalmood oo ay kooxdiisu u baahnayd, isagoo 31 ciyaarood oo ay Real Madrid dheeshay uu kaliya kasoo muuqday 12 ka mid ah.

Zidane ayaa booska difaaca midig ka ciyaarsiin doona Lucas Vazquez iyadoo uu sidoo kalena dhaawac yahay Alvaro Odriozola oo beddeli lahaa.

Xiddigaha kale ee ka dhaawacan Real Madrid ayaa kala  ah: Sergio Ramos, Eder Militao, Alvaro Odriozola, Eden Hazard, Rodrygo, Fede Valverde iyo Marcelo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here