Aubameyang Oo Jidka Guushka Kusoo Celiyey Arsenal Kulan Uu Saddexlay Ka Dhaliyey Leeds United.

0
178

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Arsenal ayaa  kusoo laabatay jidka guusha oo ay ka maqnayd saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey, waxaanay cadhada kula dhacday Leeds United oo ay ku garaacday 4-2.

Kulankan oo uu saddexlay goolal ah dhaliyey weeraryahanka reer Gabon ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa qaybtii horeba ay Gunners la timid saddex gool, iyagoo mid kalena ku daray bilowga qaybta hore, laakiin Leeds United ayaa xagga dambe ka dedaashay oo laba gool dhalisay.

Daqiiqaddii 13aad ayuu Pierre-Emerick Aubameyang goolka koowaad u saxeexay kooxdiisa, iyadoo kubbad loo dhinaca  dhinaca bidix uu kusoo eryaday difaaca, kaddibna uu dhulka u raaciyey oo uu goolhaye Illan Meslier qaban kari waayey.

Mar kale ayuu Aubameyang isku qoray diiwaanka goolasha ee kulanka, waxaana rikoodhe uu goolhaye Meslier ku galay Saka gool u sarrifay Aubameyang ka hor intii aanu Hector Bellerin goolka saddexaad raacinin daqiiqaddii ugu dambaysay qaybta hore.

Markii lagu soo noqday qaybta dambe ee ay socotay laba daqiiqadood oo kaliya ayuu Pierre-Emerick Aubameyang ciyaarta ka dhigay 4-0 iyadoo uu madax iskula tuuray kubbad uu soo qaaday  Emile Smith-Rowe.

Pascal Struijk ayaa niyadda u yara dhisay Leeds United daqiiqaddii 58aad oo uu madax ku dhaliyey kubbad kooren ahayd oo uu soo qaaday Raphinha. Toban daqiiqadood oo kale kaddib ayay Leeds dareentay inay ka daba iman karayso Arsenal markaas oo uu gool labaad u dhaliyey Helder Costa, hase yeeshee natiijada ayay intaas kaddib labada kooxoodba waxba ka beddeli kari waayeen.

Arsenal ayaa guushani ay siisay inay soo gasho kaalinta 10aad ee miiska kala-sarraynta iyagoo booska kala baxay Leeds United oo iyaduna u degtay 11aad. Gunners ayaa yeelatay 34 dhibcood halka Leeds ay leedahay 32 dhibcood.

Ciyaartan ayaa ahayd mid taariikh weyn ugu fadhiday labada kooxood, isla markaana goolashadeeda iyo natiijada kasoo baxdaba isha lagu hayay.

Arsenal oo garoonkeeda kusoo dhoweysa Leeds United ayaa waxa ugu dambaysay sannadkii 2004, waxaana ciyaartaas ka dhacay xasuuq ay geysteen Thierry Henry iyo Pires oo qaybsaday goolasha 5-0 ahaa oo ay Arsenal guushu ku raacday.

Afar ka mid ah goolasha waxa ciyaartaas dhaliyey Thierry Henry, midka kalena waxa ku daray Pires.

Aubameyang ayaa isaguna raacay liiska xiddigaha taariikhda ka sameeyey kulamada ay Arsenal la dheesho Leeds United, waxaana uu ka dhaliyey saddexlay kulankii ugu horreeyey ee ay kooxdani timaaddo Emirates Stdium muddo 16 sannadood ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here