Manchester City Oo Etihad Ku Karbaashtay Tottenham iyo Gundogan Oo Rikoodhkiisa Sii Wata. 

0
285

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta  Manchester City ayaa garoonka Etihad Stadium dhax jiid-jiidhay Tottenham oo ay ku garaacday 3-0, kulan ay kaga aargoosatay Spurs oo kulankii ugu dambeeyey ka badisay.

Manchester City ayaa sii dheeraysatay hoggaanka horyaalka Premier League oo ay ku qabatay siddeed dhibcood oo ay ka horreyso Manchester United oo kusoo xigta, halka Liverpool na ay 13 dhibcood oo nadiif ah ka horreyso.

Rodri ayaa rikoodhe ugu furay goolasha kooxdiisa Man City daqiiqaddii 23aad ee ciyaarta, waxaana qaybtii dambe gool dhaliye isku beddelay Ilkay Gundogan oo laba gool oo daran-daroori ah ku hubsaday shabaqa Tottenham.

Goolka hore ayuu Gundogan dhaliyey daqiiqaddii 50aad isagoo gool u sarrifay kubbad uu ka helay Raheem Sterling, hase yeeshee kubadda labaad oo uu soo tuuray goolhaye Ederson ayuu Ilkay Gundogan guusha ugu xaqiijiyey kooxdiisa daqiiqaddii 66aad.

Manchester City ayaa heshay fursado kale oo ay goolal ku dhashan karaysay, hase yeeshee Hugo Lloris iyo Davies ayaa ka hor istaagay kubbado gool loo qaatay oo Jesus, Silva iyo xiddigo kale iyagoo xerada ganaaxa ku jira ay goolka ku toogteen.

Shaxdii labada kooxood

TOTTENHAM HOTSPUR (4-2-3-1): Hugo Lloris; Japhet Tanganga, Davinson Sancehz, Eric Dier, Ben Davies; Tanguy Ndombele, Pierre-Emile Hojbjerg; Erik Lamela, Lucas Moura, Son Heung-min; Harry Kane.

Kaydka: Matt Doherty, Toby Alderweireld, Harry Winks, Gareth Bale, Joe Hart, Moussa Sissoko, Dele Ali, Steven Bergwijn, Carlos Vinicius.

MANCHESTER CITY (4-3-3): Ederson; Joao Cancelo, John Stones, Aymeric Laporte, Oleksandr Zinchenko; Bernardo Silva, Rodri, Ilkay Gundogan; Raheem Sterling, Gabriel Jesus, Phil Foden.

Kaydka: Kyle Walker, Ruben Dias, Sergio Aguero, Zack Steffen, Ferran Torres, Benjamin Mendy, Riyad Mahrez, Eric Garcia, Tommy Doyle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here