Siyaasiyiin loo haysto lacag ay ka musuqeen aaskii Mandela

0
163

JOWHAR (Radio Isnaay) 15 qof oo ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta isdaba marin lacageed xilligii la aasayey madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Nelson Mandela.

Xubnahaasi waxaa ka mid ah siyaasiyiin caan ah oo ka tirsan xisbiga haya talada dalka Koonfur Afrika ee ANC oo ka soo jeeda Gobolka Eastern Cape. Balse shaqsiyaadkan xabsiga la dhigay kiiska loo haysto kama aysan hadal.

Dacwad oogayaasha waxay xubnahaasi ku soo eedeeyeen iney isdaba mariyeen ku dhawaad $700,000 oo doolar.

Mandela ayaa noqday madaxweynihi ugu horreeyey oo madow ah kaddib marki uu dhammaaday midab takoorki ka jiray dalkaasi sanadki 1994-kii.

Hadalhaynta eedda raggan loo haysto ayaa soo billaabatay 2014-kii xilli ay bilooyin un ka soo wareegtay aaski madaxweyne Mandela ee ka dhacay magaalada Qunu, ee Eastern Cape 13-kii December 2013-kii.

Dacwad oogayaasha kiiskan gacanta ku haya waxay ku doodayaan iney shaqsiyaadkan sameeyeen sheegashooyin been abuur ah oo ay ku sheegeen lacagahaasi in loo isticmaalay gaadiidka baroordiiqa loo adeegsaday iyo goobihi baroodiiqa ay ka dhacayeen ee ku tiillay bariga London.

Xubnahan oo xabsiga dammaanad looga sii daayey waxay maxkamadda ka soo hormuuqan doonaan 5-ta bisha Maarso

Kiiskan ayaa markale soo noqday iyada oo 2019-kii la laalay si loo sii wado baaritaanno dheeri ah oo helo caddeymo kiiskaasi lagu xoojiyo dacwaddana suurageliyo” ayey tiri shabakadda wararka ee EWN oo soo xigatay Sipho Ngwema oo ah afahayeenka qaranka ee hay’adda dacwadoogidda qaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here