Dagaal Ka Dhex Qarxay Jose Mourinho Iyo Gareth Bale & Sawiro La Soo Dhigay Instagram Oo Sababay

0
193

JOWHAR (Radio Isnaay) Jose Mourinho ayaa ku eedeeyay Gareth Bale inuu ka hor imaanayo xaqiiqda markii uu baraha bulshada soo dhigay sawir uu ku sheegayo inuu taam u ahaa inuu ciyaaro.

Bale ayaa sawir uu tababar sameynayo soo dhigay baraha bulshada, isagoo ku soo hoos qoray: “tababar fiican ayaan qaatay maanta” taasoo soo jeedineysa inuu taam u ahaa inuu wajaho Everton kulankii FA Cup ee Arbacadii.

Laakiin xaqiiqda ayaa aheyd in xiddiga amaahda uga soo maqan Real Madrid inuu u sheegay shaqaalaha caafimaadka inuusan ciyaari karin kulankii Goodison Park.

Waxay taasi keentay in tababare Mourinho su’aalo laga weydiiyo sababta uu Bale u seegay kulankii Everton.

Mourinho ayaa weli ka careysan in 31 jirkaan uu banaanka soo dhigay xaalad uu tababaraha sheegay inay aheyd inuu daaha gadaashiisa ku dhaafo.

Wuxuu yiri: “Waxaan rajeynayaa in shirkaan jaraa’id ee ku saabsanaan doono ciyaarta oo aanan ka hadlin shaqsiyaad.

“Laakiin waa inaan qirto in sawirkii uu soo dhigay baraha bulshada inay abuurtay xaalad ay tahay inaan ka hadlo sababtoo ah waxaa iska horimaanaya xaqiiqda iyo micnaha sawirka.

“Tan iyo bilowgii xilli ciyaareedka, wax walba waxaan isku dayay inay noqdaan wax qarsoon, waxaan wax walba ka dhigay in daaha gadaashiisa ku ekaadaan laakiin haatan waa qasab inaan ka hadlo xaaladaan.

“Waxaa laga yaabaa in sawirka uusan isaga xitaa soo dhigin, ma garanayo laakiin waaa sawir looga qaaday tababarka, balse taasi lama micno ahan inuu diyaar u ahaa inuu dheelo.

“Ma uusan dareemeynin inuu ciyaari karo, wuxuu dalbaday in la baaro, waa la baaray wax dhaawac ah kama muuqan laakiin wuxuu dareemay inuusan dheeli karin.

“Marnaba kama horimaan karno dareenka ciyaaryahanka sababtoo ah dareenka ciyaaryahanka ayaa inaga muhiimsan sidaasi darteed diyaar uma uusan aheyn ciyaarta.

“Waa wax sidaas u sahlan. Haddii uu diyaar yahay berri, waan xulanayaa berri.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here