Ilhan Cumar oo loo magacaabay xil muhiim ah

0
196

JOWHAR (Radio Isnaay) Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo katirsan aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka ayaa loo magacaabay gudoomiye kuxigeenka guddi hoosaadka awoodda u leh arrimaha Afrika iyo arimaha xuquuqul insaanka caalamka.

ar ka soo baxay xafiiska xildhibaan Ilhan ayaa lagu sheegay in xilkan cusub maalintii Khamiista ahayd looga dhawaaqay Washington. Magaca guddigan ayaa ah Guddi-hoosaadka Afrika, Caafimaadka Adduunka, Xuquuqda Aadanaha ah iyo Ururrada Caalamiga ah.

Dowrkeeda cusub, Ilhan waxay sheegtay inay si gaar ah u danaynayso “inay kormeerto arrimaha gargaarka caalamiga ah iyo siyaasadda dibadda” ee Afrika.

Ilhan ayaa horay uga mid ahayd guddiga arrimaha dibedda ee aqalka Kongareska inkasta oo dadka dhaleeceeya ay horay ugu baaqeen in laga saarayo kadib hadalo si weyn loo dhaliilayoo ay jeedisay sanadkii 2019-kii oo ku saabsanaa saameynta siyaasadeed ee Isra’iil ku leedahay Maraykanka

Ilhan ayaa waxa uu horay dagaal afka ah u dhexmaray Madaxweynihii doorashada looga guulaystay ee Donald Trump, waxaana ay hadallo kulul isu marin jireen hawada.

Mar ayuu sheegay in Ilhaan ay tahay qof musuq-maasuq badan, isla markaana warbixinadeeda uu la socday muddo labo sano ah.

Ilahn Cumar, oo Mareykanka tagtay iyadoo yar oo qaxooti ah, sannadkii 1995-tii, waa xildhibaannada matasha gobolka Minnesota, oo magaalada Minneapolis ka tirsan tahay.

Kahor inta aan xilkaan loo magacaabin Ilhan Cumar ayey samaysay dadaalado ku aadan bini’aadannada kuwaas oo kamid ah xilli ay hoggaamineysay xildhibaanno ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka, oo warqad u qoray Waaxda Amniga Gudaha, iyagoo ka dalbaday in baaritaan lagu sameeyo dhacdo ku saabsan dad Muslimiin ah oo xabsiga dhexdiisa lagu siiyay hilib doofaar.

Falkan waxaa ku kacay ciidamada ka hortagga qaxootiga ee magacooda loo soo gaabiyo ICE, sida lagu qeexay war-saxaafadeed ay si wadajir ah ugu saxiixnaayeen wakiillada Aqalka Kongress-ka ee kala ah Ilhan Omar, Rashida Tlaib iyo Andre Carson.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here