Bayern Munich Oo Rikoodh Ka Dhigtay Dunida, Kuna Guuleysatay Koobkii 6aad.

0
209

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Bayern Munich ayaa ku guuleysatay koobkii lixaad ee xili ciyaareedkan, iyadoo soo afjartay sannad guulo ah oo ay wacdaro ka dhigtay garoomada.

Kooxda reer Germany soo afjartay sannad taariikhi ah oo ay ku wada guuleysatay dhamaan koobabkii ay u tartantay, iyadoo ugu dambayntiina kusoo xidhatay tartanka naadiyada Yurub oo ay ka qaadday kooxda Tigres oo ay iskugu soo baxeen finalka.

Bayern Munich oo hore ugu soo guuleysatay koobabka Champions League, Bundesliga, DFB Pokal, German Super Cup, UEFA Super Cup ayaa waxay guulaheeda kusoo xidhatay koobkii lixaad oo ah FIFA Club World Cup.

Difaaca reer France ee Pavard ayaa guushan ugu dambaysay ku hoggaamiyey kooxdiisa Bayern Munich, waxaana kubbad uu kasoo shaqeeyey Robert Lewandowski uu ku hubsaday shabaqa iyadoo uu goolka u jiray masaafo 10 yard  ah.

Labada kooxood ayaa helay fursado badan labadii qaybood ee ciyaarta, waxaana inta badan ay ahayd dhinaca Bayern Munich oo daqiiqaddii lixaad uu Leroy Sane tijaabiyey goolka Tigres, ka hor intii aanay kooxdiisu dhalinin gool uu shabaqa ku hubsaday Kimmich laakiin uu garsooruhu ka diiday kaddib markii uu kasoo hubiyey VAR.

Bayern Munich ayaa u qalmaysay inay guusha ku hesho goolal intan ka  badan, iyadoo ay intaasna u dheerayd in xataa ay Tigres ku dhowaatay inay iyadu iska dhaliso gool waqtigii dhamaadka.

Tababare Flick ayay u ahayd sannad farxadeed oo uu kooxdiisa ku hoggaamiyey lix koob iyadoo uu waliba yimid xilli ay daalaa-dhacaysay oo ay meel hoose ku jirtay.

Si kastaba, Bayern Munich ayaa ku guuleysatay dhamaan tartamadii ay ka qayb-gashay, mana jiro koob ka baxsaday, iyadoo sidaas ku noqotay kooxdii

labaad ee abid ku wada guuleysata dhamaan koobabka, waxaana ka horreysay Barcelona oo sannadkii 2009 wada hanatay lixdii koob ee ay u tartantay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here