Manchester City Oo Iska Xadirisay Wareegga Siddeeda FA Cup ka Dib Markii ay Ku Tumatay Swansea

0
204

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa u gudubtay wareegga siddeedda tartanka FA Cup kaddib markii ay 3-1 ku garaacday naadiga heerka labaad ee Swansea City oo ay marti u ahayd.

Manchester City ayaa cudud ku jiidhay Swansea oo awooddeedu aanay gaadhsiisnayn heer ay kula loollami karto Man City, waxaana qaybtii horeba ay City xaqiijisatay inay guusha kulanka si fudud u helayso.

Ciyaartan oo tababare Pep Guardiola uu kusoo bilaabay siddeed ciyaartoy oo aan ku jirin safkii uu Axaddii ku burburiyey Liverpool ayaa waxay si naxariis la’aan ah garoonka u dhex jiid-jiideen ciyaartoyda da’yarta u badan ee Swansea oo awoodi waayey inay goolkooda ka xajistaan.

Kyle Walker ayaa daqiiqaddii 30aad jabiyey derbiga difaaca ee Swansea ay isku ilaalinaysay intii hore, waxaana kubbad uu kasoo qaaday dhinaca midig oo uu la doonayay in Gabriel Jesus uu ku qabto ay ka hoos baxday goolhayaha, waxaana si lama filaan ah ay goolka uga gashay dhinac bidix.

Swansea ayaa inkasta oo aanay ka muuqanin tamar ay iskaga soo bedaan goolka lagala hormaray, waxay haddana ku dagaallantay in aanay shabaqeeda gaadhin kubbad kale, iyagoo dareensanaa in goolka horena si shil oo kale ah kaga dhashay.

Qaybta hore ayaa kusoo dhamaatay 1-0 ay libinta la nasatay Manchester City oo sidoo kale ciyaarta maamulaysay 73 boqolkiiba.

Man City ayaa dardar hor leh lasoo gashay qaybtii dambe, iyadoo ay ka muuqatay in tababare Pep Guardiola uu usoo tilmaamay meelihii uu daraaseeyey ee ay ka liiteen difaaca Swansea ee qaybta hore ku adkeeyey.

Daqiiqaddii labaad ee qaybta dambe ayay Manchester City xeelad ku jabisay difaaca Swansea, waxaana kubbad khadka dhexe uu ka farsameeyey Rodri uu uga difaaca uga dhex saaray Raheem Sterling oo isaguna kubadda ula tegay goolhaye Freddie Woodman oo aan wax caawimo ah ka helin difaaciisa oo hore uga wada baxsanaa, waxaana uu laacibka reer England dhinaca ka dhigay kubbad dhulka socota, iyadoo natiijada ciyaartuna noqotay 2-0.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here