Real Madrid Oo Guul Dahabi ah ku  Gaartay Gurigeeda.

0
213

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Real Madrid ayaa guul fiican ka gaartay kooxda Getafe oo ay ku garaaceen 2-0 kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga oo ka dhacay garoonka Estadio Alfredo Di Stefano.

Labo gool oo ay lix daqiiqo gudaheed ku dhaliyeen Karim Benzema iyo Ferland Mendy ayay Los Blancos kaga takhalustay kooxda martida aheyd ee Getafe.

Natiijadaan ayaa ka caawisay Real Madrid inay ka sarre maraan Barcelona iyagoo soo galay kaalinta labaad ee La Liga, waxayna shan dhibcood ka danbeeyaan kooxda hogaanka heysa ee Atletico Madrid.

Real Madrid ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo Getafe ku qaadayay weeraro ay ku doonayeen in ay goolal kaga dhaliyaan.

Laakiin Kooxda Getafe ayaa si fiican u difaacday iyaga oo wiilasha Zidane u diiday in ay goolal ka dhaliyaan.

Si kasta ha ahaatee Getafe ayaa ku dhibaatootay in ay u dhawaadaan goolka Real Madrid maadama Daafacyada Los Blancos si fiican u difaacdeen.

Karim Benzema ayaa daqiiqadii 13-aad birta ku dhuftay kubad isaga oo uu nasiibku ka hor istaagay in uu gool u dhaliyo kooxda Real Madrid.

Real Madrid ayaa wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolal laakiin Getafe ayaa difaacatay xilli uu sidoo kale Nasiibku garab istaagi waayay.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro gool la’aan ah inkasta oo ay Real fiicnayd.

Wiilasha Zidane ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay qaybtii dambe ee ciyaarta iyaga oo doonayay in ay ciyaarta wax ka badalaan goolal-na dhaliyaan.

Daqiiqadii 60-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Karim Benzema kaas oo ciyaarta ka dhigay 1-0.

Los Blancos ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii wadeen raadinta goolal kale oo ay ciyaarta ku dilaan uguna quus gooyaan kooxda Getafe.

Daqiiqadii 66-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Ferland Mendy kaas oo ciyaarta ka dhigay 2-0 ay Kooxda Zidane ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Real Madrid gaadhay guushii 2-aad oo xidhiidh ah La Liga sanadka 2021 sidoo kale kaalinta 2-aad kala baxay kooxda Barcelona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here