Manchester United oo u Gudubtay Wareegga 8-da FA Cup Dalka Ingariiska.

0
153

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Manchester United ayaa u soo gudubtay wareega sideed dhamaadka FA Cup ka dib markii ay guul ciriiri ah oo 1-0 ah ka gaareen kooxda West Ham ciyaar 120 daqiiqo socotay oo ka dhacday garoonka Old Trafford.

Man United iyo iyo West Ham ayaa 90kii daqiiqo ee ciyaarta isku mari waayay barbaro goolal la’aan ah taasoo keentay in 30 daqiiqo oo dheeri ah la isla aado, iyadoo United ay goolka guusha ku dhalisay waqtiga dheeriga ah.

Scott McTominay ayaa qeybtii hore ee waqtiga dheeriga ahaa dhaliyay goolkii ay United ku xaqiijisatay u soo bixitaankeeda wareega 8da ee FA Cup iyagoo kula biiraya kooxda Bournemouth oo caawa 2-0 kaga badisay Burnley.

Man United waxa ay soo bandhigeen ciyaar weerar oo cadaadis leh balse kooxda West Ham daafac ahaan aad ayay u wacnaayeen .

United inkastoo qeybta hore kubadda dhan waliba ka maamulayeen hadana halis gilin muuqta ma jirin marka lga yimaado dhowr fursad

West Ham waxa ay ku wacnaayeen kubad raacshada halka United iyana ku wacnaayen dadajinta kubadda iyo isku balaarinta garoonka .

West Ham dhamaadkii qeybta hore waa soo wacnaadeen waxa ayna dagaal ugu jireen in ay kubadda gaarsiiyaan aagga goosha United

Qeybta labaad, United cadaadiska halkee ayay ka wadeen balse waxaa ka maqnaa in ay goolal u turjumaan waxaana hor taagnaa goolhayaha iyo daafaca .

Wets Ham qeybtaas labaad waxa ay ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah oo mararka qaar halis ahaa loogana bad baadiyay qaab cajiib ah.

United badalkoodii ugu horeeyay waxa sameeyeen daqiiqadii 73-aad iyaga oo soo giliyay Scott McTominay iyo Bruno Fernandes halka daqiiqadii 88-aad ay soo raaciyeen Edinson Cavani

Qeybihii dhamaadka labada koox kubadda waa ay u furneyd waana laga filan karay goolal balse wax aay ciyaarat ku dhamaatay bar bar dhacaas bilaa goolasha ah , waxa ayna heerka kubad haysashada United ee labada qeyb ay gaareysay %67 , waxaana lagu daray waqti dheeri

Qeybta hore ee  waqtiag dheeriga ,  United iyaga ayaa ku badnaa kubadda una dhawaa gool ilaa ay keeneen gool  ku la-laabatay goosha West Ham waxaan dhaliyay Scott McTominay daqiiqadii 97-aad  waxaana lagu nastay halkaas gool.

Qeybta labaad ee waqtiag dheeriga , United iyaga aya dar dar wacnaa una nuglaa gool labaad xilli West Ham kaliya ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah waxa ayan ciyaarat ku dhamaatay halkaas gool.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here