Covid-19 oo mar kale Ku soo laba kacleeyay Soomaaliya

0
407

JOWHAR (Radio Isnaay) Wararka ka imaanaya Soomaliya waxay shegayaan in Cudurka Covid 19 uu dib u soo laba kacleyey, gaar ahaan koofurta Soomaaliya. Tobanaan qof ayaa maalin kasta la diiwaangeliyay in laga helay cudurka ayadoo tiradii shalay la baaray ee ahayd 592 qof laga helay 51 qof oo ka mid ah kuwaas oo mid mooyee 50-ka kale laga helay gobolka Banaadir.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay in dalka ay keeneyso tallaalka si looga hortaggo cudurka.

Agaasimaha Cisbtaal Martiini Dr Cabdirisaaq Yuusuf Axmed oo sidoo kale ah madaxa la dagaallanka cudurka Covid-19 ee Soomaaliya ayaa BBC u sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay diiwaangeliyeen tiradii ugu badneyd ee uu cudurka ku dhacay muddo lix bilood gudahood.

“Usbuucan aan hadda ku jirno iyo isbuuci lasoo dhaafay tiradii ugu badneyd ee aan helnay ayay noqotay muddo lix bilood ah Agoosto sanadkiii hore ayaa inoogu dambeysay xaalado sidan oo kale ah”

Wuxuu intaas ku daray in haatan uu cudurka kusoo labo kacleeyay dalka taasina ay ugu wacan tahay dhowr arrimood oo ay kamid yihiin in xudduudaha dalka ay iska furan iyo dadka aysan u hoggaansamain xeerarka ka hortagga cudurka.

“Waxaana jiraa cudur dilaac cusub waxay u badan tahay sababta isku socodka dalka oo aad u badan, safarkii oo aad u furan dalkii xudduddadihiisi wey furan yihiin”

Dr Cabdirisaaq Yuusuf Axmed ayaa dhanka kale sharraxaad ka bixiyay sababaha loo maleynayo in cudurka uu kusoo laabto Soomaaliya xilli dalka uu ka taagan yahay khilaafka ku aadan hannaanka doorashada.

“Dadkii oo markii hore iska iloobay jiritaanka xannuunkan, waxaanan habayaraatee hirgalin ama dhaqan gelin lagu xakameeyo fiditaanka xannuunkan oo isu socodka ayaa sidiisii u socda, dadku ma xirtaan af-gashiga, gacan qaadka aad buu u badan yahay , goobaha la isugu yimaado waa la buux dhaafiyay taas waxay aad u sahashay deg deg u faafka xannuunkan iyo in uu gaaro dadka nugul ee uu soo ridanayo”

Tallaalka la filayo in la geeyo Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya waxay dhawaan sheegtay in tallaalka la siin doono, howlwadeenada caafimaadka ee ka howlgala cisbitaallada dowladda ama kuwa gaarka loo leeyahay, Booliska, macalimiinta iyo shaqaalaha dowladaha hoose.,dadka da’doodu ka sarreyso 50 sano iyo dadka la daala dhacayo xanuunada kala duwan, haddaba goormaa ayaa la bilaabayaa tallaalkaas?

Dr Cabdirisaaq wuxuu sheegay in tallaalka la geyn doono dalka kaddib marka la hubiyo badaqabkiisa iyo waxtarkiisa.

“Tallaalka wuxuu marayaa habraacyo badan oo caalami ah, Soomaaliya tallaalka deeq bey ku heleysaa waxaana ugu deeqaya ha’yadaha caalamiga ah, waxaan sugeynaa tallaalkii in uu soo buuxsado shuruudihii loogu talagalay oo ah in uu aqoonsi ka helo Ha’yadda Caafimaadka Adduunka in la hubiyo la xaqiijiyo badqabka tallaalka iyo fayo-qabkiisa”

“Waxaan ku dhawaaqnay in tallaalka dadka Soomaaliyeed ay daruuri tahay…waxaan sameynay qorshe lagu xisaabinayo tirada tallaalka aan u baahan karno waxaana u gudbinnay Ha’yadda Caafimaadka Adduunka” ayuu yiri Agaasimaha cisbitaal Martiini.

Wuxuu sidoo kale sheegay in mar kasta ay diiradda saari doonaan inay soo qaataan tallaalka ugu badbaadada badan isla markaana si weyn looga taxaddaray hanaanka dadka lagu tallaalayo, dadkana la siin doono wacyigelin ku aadan tallaalka.

“Waxaa barbar socon doonaa wacyigelin, waxaa kale barbar socon doonaa in dadka la baro oo si sax ah oo cilmiyeeysan oo aqoon ku dhisan loogu sheego tallaalka faa’idadiisa”

Dowladda Soomaaliya waxay diiwaangelisay kiisas gaarayo 4,985 halka tirada dhimashada ay tahay 142.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here