Aqalka Senetka oo Dacwadda Trump ku Tilmaamay Mid Dastuuri ah.

0
218

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Aqalka senetka ee dalka Mareykanka ayaa sheegay dacwadda lagu qaadayo madaxweynihi hore ee dalka Mareykanka in la sii wado maadaamaa ay dastuuri tahay.

Kooxda difaaceysa madaxweyne Trump waxay dhankooda ku doodayaan Trump inuu dacwad wajihi karin mar hadduu aqalka cad ee Mareykanka looga arrimiyo uu ka baxay.

Balse dacwadda Trump in la sii wado waxaa u codeeyey 56 senetar oo noqonaya aqlabiyadda golahaasi.

Donald trump ayaa lagu eedeeyey “kicin dadwayne” ka dib khudbad uu u jeediyay taageerayaashiisa inta uu xilka madaxweynaha hayey ka hor dibadbaxa ay ku galeen aqalka congreska.

Lix xubnood oo ka tirsan xisbiga jamhuuriga ayaa ku biiray 50-kii xubnood ee xisbiga Dimuqraadiga oo soo jeediyey in madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump dacwad lagu soo oogo.

Mr Trump ayaa sheegay in uusan ka hor marqaati furi doonin aqalka sanetka hortiisa.

Madaxwaynihi hore ee Mareykanka Trump ayaa intii uu xilka hayay waxaa la sheegay in ay sare u kaceen falalka cunsuriyadda.

Xubin xisbiga jamhuuriga ku matala aqalka senetka oo lagu magacaabo John Cornyn oo NBC u warramay wuxuu sheegay inuu la dhacsaneyn kooxda difaaceysa Mr Trump.

“Qareennada madaxweynaha oo buuqaya oo sii socda iyo qareenno badan iyo dood badan oo ay soo jeediyeen waan arkayey dooddooduna uma muuqan mid wanaagsan” ayuu yiri Cornyn.

Xubinka kale ee ka tirsan golaha shacabka ee laga soo doorto Alabama Mo Brooks oo ka mid ahaa sharci-dajiyeyaashi muranka ka keenay natiijooyinki doorashada ayaa weli ku adkeysanaya taageeridda madaxweyne Trump.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here