Mustabqalka Lionel Messi Oo Ugu Dambayn Dhinac U Dhacay.

0
230

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Mustaqbalka Lionel Messi ayaa u muuqda inuu dhinac u dhacay oo ay ku guuleysatay kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain, halkaas oo la sheegayo inuu kula midoobayo saaxiibkiisii hore ee Neymar Jr.

Lionel Messi ayaa lagu sawiray bogga hore ee wargeyska caanka ah ee France Football ee bixiya abaal-marinta Ballon d’Or, isagoo xidhan shaadhka ama garanka kooxda PSG, taas oo dedaal adag ugu jira inay la saxeexato 33 jirkan.

Laacibkan ayaa xagaagii kaga nixiyey kooxdiisa dalab ah uu ku codsaday in la fasaxo si waafaqsan heshiiskii uu kula jiray kooxda, laakiin is-maandhaaf kaddib waxa uu go’aansaday inuu sannad kale sii joogo oo uu qandaraaskiisa dhamaysto.

Manchester City oo uu tababare ka yahay macallinkiisii hore ee Barcelona ee Pep Guardiola ayaa inta ugu badan lala xidhiidhinayay laacibkan inuu kula midoobayo Etihad Stadium, walina way taagan tahay arrintaasi.

Hase yeeshee wargeyska France Football oo lix sannadood gudoonsiiyey Messi xiddiga ugu wanaagsan caalamka ee Ballon d’Or ayaa waxa uu kusoo warramayaa in PSG ay ku guuleysanayso saxeexa kabtanka Barcelona, halkaas oo ay soo dhoweyntiisa ugu diyaarsan yihiin saaxiibbadiisa Neymar iyo Angel di Maria.

Neymar ayaa hore u sheegay in ay isku koox u ciyaari doonaan Messi xili ciyaareedka dambe, waxaana iyadoo uu laacibka reer Brazil uu qandaraas cusub oo afar sannadood ah uu bishii hore u kordhiyey uu hadalkiisu ka dhignaa in Lionel Messi uu imanayo Paris Saint-Germain.

Tababaraha Barcelona ee Ronald Koeman ayaa isaguna maalmo ka hor qirtay in aanu hubin in Lionel Messi uu sii joogayo kooxda xilli uu qandaraaskiisu dhamaanayo bisha June ee sannadkan.

“Kuma kalsooni in Lionel Messi uu sii joogayo. Laakiin waxaan rajaynayaa inuu joogo, sababtoo ah waa ciyaartoy wanaagsan oo guulaha noo go’aamiya.” Ayuu yidhi Koeman oo waraysi siinayay wargeyska The Athletic.

Si kastaba, xaaladda Barcelona iyo Lionel Messi ayaa sii xumaatay usbuuc ka hor markii uu bannaanka usoo baxay qandaraaska uu kula jiro kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here