Suudaan oo Walaac ka Muujineysa Khilaafka Biyo Xireenka Wabiga Nile.

0
192

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xukuumadda Sudan ayaa sheegtay in go’aanka ay Itoobiya keligeed ku gaadhay in ay buuxiso harada biyo-xidheenka Niil “halis ku yahay nabadgelyadeeda qaranka”.

Wasiirka biyaha iyo waraabka, Yaasir Cabbaas, oo waraysi siiyey wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ugu baaqay Maraykanka, Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika in ay dhexdhexaadin ka galaan khilaafa u dhexeeya Itoobiya, Masar iyo Sudan ee ay isku hayaan arinta biyo-xidheenka.

Itoobiya ayaa bilowday sannadkii hore buuxinta harada biyo-xidheenka in kasta oo ay Masar iyo Sudan ka dalbadeen in aanay arintaa ku dhaqaaqin ilaa inta saddexda dhinac ay marka hore heshiis ka gaadhayaan arinta.

Cabbaas ayaa ka digay in ay Itoobiya tallaabadaa ku dhaqaaqo oo ay bilowdo bisha Juulaay ee soo socota “arintaasi waxay halis gelin doontaa nolosha kala badh dadka ku nool badhtamaha Sudan iyo sidoo kale saamayn taban oo ay ku yeelan doonto wax soo saarka beeraha iyo kooraanka” ayuu yidhi.

Sudan iyo Masar ayaa wadahadallo aan midho dhalin oo socday toban sano la waday Itoobiya tan iyo markii ay biowday dhismaha biyo-xidheenka sannadkii 2011.

Itoobiya waxay sheegtay in ay gaadhay yoolkii sannadka koobaad ee buuxinta harada biyo-xidheenka, sidoo kalena ay ka go’antahay in ay buuxiso haradaas hadii ay heshiis saddexda dhinac arintaa ka gaadhaan iyo hadii kaleba.

Wasiirka biyaha iyo waraabka Sudan waxa uu sheegay in “ay adkaan doonto inuu shaqeeyo biyo-xidheenka Rusayris hadii aan la gaadhin heshiis Itoobiya ku waajibinaya in laga helo macluumaad ku saabsan xaddiga biyaha uu soo dayn doono biyo-xidheenkeedu.”

Bishii hore ayaa saddexda dal yeesheen wadahadallo ay goob joog ka ahaayeen wakiillo ka socda Midowga Afrika iyo Midowga Yurub, hase yeeshee lagu kala kacay iyada oo aan waxba la isla meel dhigin.

Todobaadadii u dambeeyey waxa xiisadi gashay xidhiidhka Addis Ababa iyo Khartuum arintaas oo ka dhalatay khilaafka ka taagan xadka labada dal.

Itoobiya ayaa sheegta in biyo-xidheenku muhiimad weyn u leeyahay, sababtuna tahay baahida koronto ee ay qabaan dadkeeda tiradiisu kor u dhaaftay boqolka milyan.

Hasayeeshee Masar iyo Sudan ayaa ka walaacsan in biyo-xidheenkaasi yaran doono biyaha dalalkooda gaadha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here