Juventus Oo Karbaash Ay Ku Dhufatay Roma Kusoo Gashay Kaalinta 3aad ee Horyaalka Serie A.

0
216

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Cristiano Ronaldo ayaa ka caawiyey Juventus inay saddexda dhibcood ka qaadato AS Roma oo marti u ahayd, isla markaana ay kala baxdo kaalinta saddexaad ee miiska kala-sarraynta horyaalka waddanka Talyaaniga ee Serie A.

Juventus ayaa soo yaraysay farqiga dhibcaha laga horreeyo horyaalka, kaddib markii ay 2-0 ku garaacday Roma oo ay ku qaabbishay gegida ciyaaraha Allianz Stadium, halkaas oo Ronaldo uu ugu dabbaal-degay sannad-guurada dhalashadiisa 36aad xilli uu goolasha u furay kooxdiisa.

Daqiiqaddii 13aad ee bilowgii ciyaarta ayuu xiddiga reer Portugal hoggaanka u dhiibay kooxdiisa, kaddib markii uu shabaqa ku hubsaday kubbad uu ka helay Alvaro Morata.

AS Roma oo fursado badan iska khasaarisay qaybtii dambe ayaa Juventus hadiyad u siisay gool labaad, waxaana kubbad goolkooda hormaraysay isku Ibanez oo ciyaarta ka dhigay 2-0 ay guushu ku raacday Juventus.

Old Lady ayay guushani siisay inay soo cidhiidhsato kaalinta saddexaad ee horyaalka, iyadoo shan dhibcood ka dambaysa Inter Milan oo hoggaanka haysa, halka AC Milan oo labaad ku jirtana ay afar dhibcood oo kali ahi u dhexeeyaan.

Shaxdii labada kooxood

ROMA (3-5-2): Pau Lopez; Gianluca Mancini, Ibanez, Marash Kumbulla; Rick Karsdorp, Bryan Cristante, Gonzalo Villar, Jordan Veretout, Leonardo Spinazzola; Borja Mayoral, Henrikh Mkhitaryan.

Kaydka: Edin Dzeko, Davide Santon, Javier Pastore, Carles Perez, Bruno Peres, Amadou Diawara, Riccardo Ciervo, Riccardo Calafiori, Antonio Mirante, Daniel Fuzato.

JUVENTUS (4-4-2): Wojciech Szczesny; Danilo, Leonardo Bonucci, Giorgio Chiellini, Alex Sandro; Weston McKennie, Arthur, Adrien Rabiot, Federico Chiesa; Cristiano Ronaldo, Alvaro Morata.

Kaydka: Matthijs de Ligt, Juan Cuadrado, Merih Demiral, Carlo Pinsoglio, Federico Bernardeschi, Alessandro Di Pardo, Radu Dragusin, Gianluca Frabotta, Dejan Kulusevski, Daouda Peeters, Gianluigi Buffon.

Andrea Pirlo ayaa toddoba beddel ku sameeyey safkii uu kula ciyaaray Inter Milan uusbuucii hore ee ay guu soo gudbeen tartanka Coppa Italia, waxaana shaxda koowaad kusoo laabtay Szczesny, Danilo, Bonucci, Chiellini, Atrhur iyo Chiessa, halka Morata uu kusoo garab bilowday Cristiano Ronaldo.

Chiesa iyo Alex Sandro ayaa bilowgiiba tijaabiyey Roma, waxaana kubbad uu Chiesa u dhiibay laacibka reer Brazil uu kasoo jabiyey garabka, balse waxa la socday oo karooskaas dhexda u galay Ibanez.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here