Everton Oo Ilbidhiqsigii Ugu Dambeeyey Barbarraysay Man United united.

0
199

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Everton ayaa daqiiqaddii ugu dambaysay barbarro ku qabatay Manchester United oo ay ugu tagtay Old Trafford, ciyaar aad u adkayd oo ay laba jeer ay Red Devils hoggaanka qabatay.

Manchester United ayaa qaybtii hore heshay laba gool oo ay u dhaliyeen Edinson Cavani iyo Bruno Fernandes, iyadoo waqtiga nasashadana ay labada kooxood u baxeen iyadoo 2-0 ay Red Devils ciyaarta ku hoggaaminaysay.

Everton ayaa bilowgii qaybta labaad waxay la timid laba gool oo ay saddex daqiiqadood u dhexeeyeen, kuwaas oo ay saxeexeen Abdoulaye Doucoure iyo James Rodriguez.

United ayaa mar kale hoggaanka ciyaarta qabatay daqiiqaddii 70aad, waxaanay ciyaarta hoggaaminayeen illaa daqiiqadii ugu dambaysay waqtiga  dheeriga ah ee ciyaarta lagu daray, markaas oo Dominic Calvert-Lewin uu ciyaarta ka dhigay 3-3.

Labada kooxood ayaa iska lumiyey fursado badan, hase yeeshee waxay dhibcaha ku wadaageen barbarro 3-3 ah.

Manchester United ayaa yeelatay 45 dhibcood iyadoo laba dhibcood ka dambaysa Man City oo hoggaanka haysa, Axaddana la ciyaaraysa Liverpool, halka Everton ay soo gashay kaalinta lixaad oo ay haysato 37 dhibcood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here